Waxgaradka Beesha Reer Xaaji Saleemaan ooo ugu Baaqay Axmed Cali Hilowle...

Waxgaradka Beesha Reer Xaaji Saleemaan ooo ugu Baaqay Axmed Cali Hilowle (Axmed Shariif) in uu Cadaado isaga Baxo

0
SHARE

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Waxgaradka magaaladaasi ugu baaqeyn in Cadaado isaga baxo Siyaasi la sheegay in khal khal Siyaasadeed iyo mid amni magaaladaasi uu ka wado.

Waxgaradka magaalada Cadaado ayaa kulan la qaatay Siyaasiga lagu Magacaabo Axmed Cali Hilowle (Axmed Shariif) oo damac uga jiro Kursiga Xaaf ku fadhiyo, waxa ayna kala hadleyn in uu joojiyo xaalada uu Cadaado ka abuurayo.

Sida aan Wararka ku helanay Waxgaradka magaalada ayaa ugu baaqay Siyaasigan Axmed Shariif in uu magaalada si deg deg ah uga baxo sidoo kale magaalada ka saaro Ciidamo maleeshiyaad ah oo ku ilaalinaya Hotelka uu Cadaado ka degan yahay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxgaradka ayaa ku eedeeyay Siyaasigan in uu magaalada ka wado Kulamo aan dan ugu jirin bulshada kuna bixinayo dhaqaale, waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen in Cadaado u yimid in uu dhaqaale ku bixiyo bur burinta maamulka Galmudug.

Waxaa sidoo kale socda abaabulka banaan bax ka dhan ah Siyaasigan oo la filayo in ay Dhigaan bulshada Cadaado ,kuwaa oo ka dalbanaya in uu isaga baxo magaalada kana daayo dhibaatada uu ka dhax abuurayo.

Lama oga in Siyaaasigan ku sugan magaalada Cadadao uu qaadan doono baaqa Waxgaradka magaaladaasi uuna ka bixi doono, waxaana xubno ku dhaw dhaw Siyaasigan noo sheegeen in uusan xiligan diyaar u aheyn Shariif in Cadaado ka baxo iyada uu wali Xaaf xilka hayo.

Axmed Shariif ayaa horey ugu fashilmay in Madaxweyne ka noqdo maamulka Galmudug doorashadii uu la galay Madaxweyne Xaaf, waxa uuna Axmed Shariif mar kale doonayaa in uu Madaxweyne ka noqdo Glamudug si walbo ay ku timaado.

Siyaasigan oo dowlada Soomaaliya lagu xamanayo in ay gadaal ka riixeyso ayaa magaalada Cadaado la tagay dhaqaalo aad u badan, waxa uuna heestaa taageerada Qaar kamid ah Xildhibaanada maamulka Galmudug.

Axmed Shariif ayaana la sheegay in uu ahaa shaqsigii abaabulay lacagta badana ku bixiyay kulankii Cadaado ku yeeshaan Qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug kuwaa oo sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.

Magaalada Cadaado waxaa wali laga dareemayaa xiisad Siyaasadeed oo aad u kacsan, waxaana wali siyaasada isku haya Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxda sare ee maamulkaasi ,lamana oga halka ay ku biyo shuban doonto xiisada Siyaasadeed ee Galmudug ka taagan.

LEAVE A REPLY