Xaaf oo xaqiijiyay inay soo gaartay casuumaadii Madaxweyne Farmaajo

Xaaf oo xaqiijiyay inay soo gaartay casuumaadii Madaxweyne Farmaajo

0
SHARE

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xaqiijiyay inay soo gaartay martiqaad uu Madaxweyne Farmaajo u diray Madaxda maamul goboleedyada, kuwaasoo lagu casuumay inay ka soo galaan shir wadatashi ah oo dhamaadka bishan ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Xaaf ayaa sheegay inuu ka qeyb galayo shirka dhowaan ka dhacaya Muqdisho, taasoo la micno ah in dowladda ay aqoonsan tahay, kaddib markii bishii hore warqad ka soo baxday wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu taageeray xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Galmudug.

Madaxtooyada ayaa ka soo dabacday mowqifkeeda arrimaha maamul goboleedyada oo horay loogu eedeeyay inay fara gelin ku heyso.

Sidoo kale Xukuumadda ayaa iyana door ku laheyd arrimaha ka jiray maamul goboleedyada, gaar ahaan xaalada Galmudug oo la sheegay inay gadaal ka riixeysay ololaha lagu ridayay Madaxweyne Xaaf.

Shirka Madaxda dowladda iyo Maamul goboleedyada ee dhici doona 28-ka bishan ayaa diirada lagu saari doonaa xalinta khilaafka u dhaxeeya, iyadoo shir dhowaan maamul goboleedyada ay ku yeesheen Kismaayo ku aas aasay Gole ay ku mideysan yihiin.

Hadii Madaxweyne Xaaf ka qeyb galo shirka Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada waxaa meesha ka baxaya ololihii ay Xukuumadda waday ee ka dhan ahaa Xaaf

LEAVE A REPLY