Xagee ayey Maraysaa wadada isku xirta gaalkacyo iyo Hobyo?(DAAWO MUUQAALKA)

Xagee ayey Maraysaa wadada isku xirta gaalkacyo iyo Hobyo?(DAAWO MUUQAALKA)

0
SHARE

Tana iyo Markii Bulshada Galmudug ay Ku Dhiiradeen ay ka shaqeyeen Hormarka Deegaankooda waxaa Si Xowli ah usoconayay Qorshayaasha La Donayo In Lagu Hormariyo degaanada Galmudug Gaar ahaan Gobolka Mudug Sanad ka Hor ayay markii Bulshda Galmudug oo iskood isku Xilqaamay Ay Dhagax Dhigeen Dhismaha wadda Dheer Ee isku xirta Gaalkcyo iyo Hobyo Taasi oo ay Gacanta ku Hayaan Gudiga Hormarinta Iyo Baraarujinta Ee Gob Islamarkaana Garab ka Helaya Bulshada Galmudug.

Shacabka Galmudug ayaa dhexda Uxirtay In mar qura ay garaan Hiigsigoooda oo ah MagaldaHobyo Madaama wadda ay ka mid tahay Qorshayaasha Lagu Hormarinaayo Galmudug. Waxaana hada Heer Gaban gabo ah Maraya Dhisamaha wadda isku xirta Gaalkcyo iyo Hobyo Waxaana Hada Lagu Gulastay Dhismaha 60 kii Kmg. igu Horeysay.

Waddaan ayaa Horey u Aheyd meel Halis iyo dhibaato badan ay ku Qabeen Gaadiidka iyo Bulshada ku Safara Basle hada Waxaa Meesha ka Baxday Dhibaatoyinkii soo Wajahayay dadka Isticmaalka Waddaas.

Dhalinyarada Galmudug ee Wax u Bartay degaankooda ayaa hada ku dhiiraday in ay ka qeyb qadaan dhisamaha wadda Gob. Waaxana Gobta Shaqada ka socota Ku Sugan Dhalinyaro Iskood isku xilqaaday oo Xoog Gooda Ku Hibeyey Bulshadooda.

Qaar ka mid Dhalinta Gobta Ku Sugan ayaa fariin Ujeediyay dhalinta kale igu Baaqay in ay ka qeyb qataan dhismaha Wadda Gob.

Pro Cabdulqaadir maxmed shirwac Gudomiyaha Gudiga Gob, Ayaa Umahad Celinaya Jaliyaeed Degaanka oo uu Sheegay in qeyb weyn ka qaateen Dhisamaha wadda Asagoona Xusay in hada meel Wanagsan ay Mareyso wadda.

Dhismaha Waddaan Heerka Gaban Gabada Mareysa ayaa Mid Fure u ah Hirgalinta Dekada Magalada Hobyo Ee Gobolka Mudug ,iyo Abuurista ila dhaqaaale oo ay Yesheen dadka Gobolada dhexe.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA.

LEAVE A REPLY