Xildhibanadii Xilka ka Qaaday Madaxweyne Xaaf oo shaaciyay Xiliga ay Dhaceyso Doorashada...

Xildhibanadii Xilka ka Qaaday Madaxweyne Xaaf oo shaaciyay Xiliga ay Dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Galmudug (Akhriso)

0
SHARE

Xildhibaanadii dhawaan sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf ayaa Guddi Qaban qaabo ay usaareen Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug maanta ku shaaciyay xiliga ay dhaceyso Dooarshada Madaxweynaha.

Qoraalka kasoo baxay Xubnahan sheegay in ay qaban qaabinayaan doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa sheega in dsoorashada Madaxwenaha ay dhaceyso 25-ka bishan October, waxa ay sidoo kale guddiga shaaciyeen Shurudaha laga rabo musharaxiinta.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa wali diidan in Xildhibanao katirsan mamaulkiisa ay xilka ka qaadeen, waxa uuna Xaaf kamid yahay Madaxda maamul goboleedyada ee ka qeyb galay shirka Kismayao kusoo idlaaday.

Xildhibaanadan sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf ayaan la ogeyn halka ay ku qaban doonaan doorashada ay shaaciyeen in ay qabanayaan, waxaana Madaxtooyada degan Madaxweyne Xaaf.

LEAVE A REPLY