XOG: Maamul Goboleedyada oo diiday inay Muqdisho yimaadaan & Dagaalka Shabaab lala...

XOG: Maamul Goboleedyada oo diiday inay Muqdisho yimaadaan & Dagaalka Shabaab lala galayo

0
SHARE

Wasiirada amniga maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa ku gacan seeray kulan amni oo xasaasi ah oo la doonayey in lagu qabto magaalada Muqdisho, kaasi oo la doonayey in lagu dejiyo qorshe dagaal oo ka dhan ah kooxda AlShabaab.

Kulanka oo lagu wadey in Ra’isal wasaare Khayre shir gudoomiyo balse qaban qaabadiisa ay iska laheyd xafiiska Qaramada Midoobey ku leeyahay dalka Soamaaliya, ayaa hadda baaqday.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Wasiirada amniga maamulada Soomaaliya ay qaadaceen inay magalada Muqdisho tagaan, taasoo ka tarjumeysa khilaafka siyasadeed ee u dhexeeya dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada, ee sii kordhaya.

Wararka ayaa sheegaya in diidmada kulanka uu qeyb ka yahay qorshe cusub oo maamul goboleedyada Soomaaliya ay dejiyeen, kaasi oo gadaal ay ka riixeyso dowladda Imaaraadka Carabta, si cadaadis loo saaro dowladda.

Qorshahan ayaa ah in dhammaan shirarka dowladda ay diidaan maamul goboleedyada, sidoo kalena aysan wax wada shaqeyn ah la yeelan, taasi oo wiiqeysa awoodda dowladda, maadaama dalka intiisa badan ay maamulaan maamul goboleedyada.

Maamulada Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Kismaayo horaantii bishaan kasoo saarey warmutiyeed ay kaga hor­imaanayaan siyaasada dowlada ee ku aadan dalalka khaliijka, ayaga oo doonaya in la taageero xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Dhinaca kale baaqashada kulankaan ayaa waxay ku tahay dhabar jab dagaalka lagula jro kooxaha argagixisada ah kuwasoo weeraro la beegsanaya dadka rayidka ah, dhowaanna boqolaal shacab ku xasuuqay Muqdisho

LEAVE A REPLY