Xog Muhiim ah: Xilka Qaadista Xaaf iyo Hadalkii ka Soo Baxay...

Xog Muhiim ah: Xilka Qaadista Xaaf iyo Hadalkii ka Soo Baxay Ninki Shegtay G. Maxkamada Sare oo lagu soo ga’aamiyay Muqdisho, Masuuliyiin ka dambeysa & Siyaasadii lala ciyaaray

0
SHARE

Kadib Go’aankii kasoo baxay maxkamada sare ee Galmudug ayaa waxaa xilkoodii ku waayay madaxweyne Xaaf ku xigeenkisii Maxamed Xaashi iyo gudoomiyihii Baarlamaanka Cali Gacal.

Ninkan Shegtay in uu ahaa Maxkamada Sare  Galmudug aya la shegay ugu danbeyn in uu aha shaqsi lcg lagu soo siiyay farsamadan , waxana maal galiyay ninkaasi shqsiyaad dowlada u jooga cadaado qaska maamulka galmduug
shaki kuma jiro in  lcg lagu soo siiyay in uu shgeto gudoomiyaha maxkamada sare ee galmduug waxana daliil u aha muqaal uu soo duubay isago agtagan gaari languruusal ah duleedka magalada cadaado waxana la shegat in cadaado  uu isaga cararay kadig markii  uu muqaalkasi duubay ,ciidanka galmudug aya la soo shegaya in ay badi goobayan ninkaasi

Madaxweynaha xilka laga qaaday Axmed Geelle Xaaf ayaa diiday go’aanka kasoo baxay maxkamada sare, waxaana uu ku adkeysanayaa inuu weli yahay madaxweynaha Galmudug.

Laakiin, Shabakada Wararka Warqaad.com ayaa xog ka heshay cida ka dambeysay go’aankii ay gaartay maxkamada Galmudug.

Gudoomiyaha maxkamada sare ee Galmudug ayaa shalay gaaray magaalada Cadaado waxaana uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho, markii uu tagayna waxaa uu si deg deg ah ugu yeeray sedexda masuul ee maamulkaas.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in gudoomiyaha maxkamada sare uu horey kulamo ula soo yeeshay Ra’isul Wasaare Kheyre, Wasiirka Amniga, kan gudaha iyo Fahad Yaasiin oo katirsan Villa Somalia, waxaana ay kala hadleen sidii uu Xaaf xilka uga qaadi lahaa.

Laakiin, qorshaha ayaa laga dhigay in dhamaan madaxda Galmudug xilka laga wado qaado si loo badalo siyaasadda oo aanan hal dhinac loola safan.

Waa Maxay Qorshaha Xiga kadib Xaaf?

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta in doorasho kale ay ka dhacdo magaalada Cadaado, waxaana ay shaqsiyan u dooneysaa musharaxa Axmed Cali Hilowle oo doorashadii lasoo dhaafay laga adkaaday.

Si kastaba, wararka la helayo ayaa sheegeya in doorasho ay dhici doonto sida ugu dhaqsiyaha badan.

La soco Wararkii soo Kordha Insha Alla

LEAVE A REPLY