Xogag cusub : Yaa ka dambeeyey qaraxii sida weyn loogu hoobtay ee ka dhacay Isgoyska Zope?

Ugu yaraan 300 oo qof ayaa ayaa ku dhimatay qaraxii labo cisho ka hor ka dhacay isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, halka dhaawaca uu kor u dhaafayo boqolaal kale

Ma jirto masiibo xadkan la’eg oo mar kaliya dadka intaas la’eg ay ku dhinteen inta la xusuusanyahay taariikhda dhow ee Soomaaliya sida uu sheegay madaxa gaadiidka gargaarka degdega ah ee Muqdisho, Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.

Dhacdadan uurku taalada iyo xanuunka badan ayaa maasuuliyinta dowlada Soomaaliya waxay ku eedeeyeen iney ka dambeysay kooxda Al-shabaab oo dagaalo kala horjeeda.

Hase ahaatee Al-shabaab oo weeraro kan la mid ahaa balse ka khasaare yaraa horey u sheegatay ayaa ku dhiiran weysay iney dusha saarato masuuliyada weerarkan dhaliyey Khasaaraha xanuunka badan, illaa haddana ma jiro war ay soo saareen oo weerarkan ay ku sheeganayaan ama isaga fogeynayaan.

Soomaalida intooda badan ayaa aaminsan in weerarkan uu leeyahay calaamadaha muujinaya iney ka dambeysay Al-Shabaab, iyagoo tusaale u soo qaadanaya qaraxyada aan bartilmaameedka laheyn ee lala beegsanayey mudooyinkan goobaha shacabka sida wadooyinka, Maqaayadaha iyo Suuqyada qaarkood, kuwaasoo kooxdu ay sheegatay iney ka dambeysay.

Dadka falanqeeya arrimaha Somalia ayaa sheegaya in aamusnaanta Al-shabaab aysan wax macno ah sameyneynin maadaama bay leeyihiin uusan shaki uga jirin shacabka iney soo maleegtay weerarkan xooga badan, ayna jireen weeraro hore oo sidan oo kale ay uga aamustay.

Warbaahinta Al-Shabaab oo si weyn u buun buunin jiray qaraxayada ay Al-shabaab gaysato ayaa weerarkan uga gaabsaday iney warbixinadii looga bartay ka qoraan maadaama Al-shabaab aysan masuuliyiintooda ka hadlin.

Saraakiisha dowlada ayaa sheegaya in qof ka tirsan shaqaalaha shirkadaha isgaarsiinta qaarkood loo soo xiray weerarkan kaasoo lagu eedeynayo inuu damiintay gaariga xamuulka ah ee weerarkan lagu fuliyey markii magaalada la soo gelinayey, waxaana laamaha amaanka iyo kuwo sirdoonka dalka ay wadaan baaritaano looga sal gaarayo abaabulka weerarkan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




> Mike Edwards Authentic Jersey 
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
 
Advertisements