Aqriso Al-shabaab oo la Wareegay degano kale oo a tirsan Gobalka Hiiraan

Aqriso Al-shabaab oo la Wareegay degano kale oo a tirsan Gobalka Hiiraan

0
SHARE

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegeen deegaan lagu magacaabo Maroodile oo qiyaastii 20KM u jira Beledweyne.

Sida wararku sheegayaan deegaanka oo ay saldhig ku lahaayeen ciidamada dowladda ayaa waxaa saaka weerar ku qaaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo socday muddo ay ciidamada dowladda isaga baxeen deegaanka, isla markaana qabtay dhanka Beledweyne.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa gudaha u galay deegaanka, markii ciidamada ay isaga baxeen.

Illaa iyo hada lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka, waxaana xaalada deegaanka ay tahay mid degan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku aadan deegaanka ay ciidamada ka baxeen oo ay la wareegeen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY