Daawo Sawirada : Baahiyo Dhanka Adeegyada Caafimaadkaa oo Ka Jira Deegaanada Af...

Daawo Sawirada : Baahiyo Dhanka Adeegyada Caafimaadkaa oo Ka Jira Deegaanada Af barwaaqo Qorya wayn iyo Gal hagoog

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Xilli mudooyinkii u danbeeyay ay isa soo  tarayeen cabashashooyinka la xariira dhanka adeegayada caafimaadka ee ka jira deegaanada galmudug qaarkood ayaa waxaa wasaarada caafimaadka galmudug ay sheegtay in ay ku dadaali doonto wax ka qashada baahiyada dhanka caafimaadka ee ka
jira guud ahaan deegaanada Galmudug

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Galmudug Naciimo Maxamed Maxamuud Catoosh ayaa kadib kormeer muddo  sadax cisho ah ay ku mareeysay deegaano ka tirsan kuwa gobalka mudug oo ay ka mid ahaayeen Af barwaaqo Qorya wayn iyo Gal hagoog waxa ay sheegtay in guud ahaan deegaanadaasi aysan haysan inta badan adeegyada  caafimaad ee ay bulshadu u baahan tahay ka wasaarad ahaana ay ku dadaali doonaan wax ka qashada baahiyadaasi iyagoo la kaashanayay hay addaha ka shaqeeya
howlaha caafimaadka

Kormeerka wasiirka caafimaadka Galmudug Naciimo Maxamed Maxamuud Catoosh ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalin kasta lasoo gaarsiiyo isbitaalada caafimaadka magaalada galkacyo caruur fara badan oo qaba cuduro kala duwan oo laga keeno deegaano aad u fog fog kuwaasi oo aan laheyn xarumo cafimaad taasoo mararka qaar  keenta in caruur  iyo hoyooyin soomaaliyeed in dhiig bax ay u geeriyooday inta lagu guda jiro safarka dheer ee loo soo marayo magaalada galkacyo iyo deegaanada
fog fog ee aan lahayn xarumaha caafimaad Dhinaca kalana wasaarada caafimaadka Galmudug ayaa deeq isugu jirta raashin iyo Bacaha roobka Gaarsiisay boqalaal oo qoys oo isugu danyar
iyo qoysaskii abaaruhu soo barakiciyeen kuwaasi oo ku sugnaa Deegaanada Af Barwaaqo Gal Hagoog Iyo Qorya Wayn oo ka mida deegaanada dhaca dhinaca waqooyi Bari Gobalka Mudug

W/Q/ Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)

HOOS KA DAAAWO SAWIRADA 

LEAVE A REPLY