Ciidamada dowladda Somaliya oo markii u horeysay baaritaan ku bilaabay Gaadiidka...

Ciidamada dowladda Somaliya oo markii u horeysay baaritaan ku bilaabay Gaadiidka AMISOM

0
SHARE

Iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay Amniga magaalada Muqdisho si aad ah loo adkeeyay, ayaa markii u horeysay ciidamada amniga waxay bilaabeen inay baaritaan ku sameeyaan Gaadiidka AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka lagu wargeliyay in gaadiidka AMISOM oo aan lagu joojin jirin bar koontaroolada inay wixii hada ka dambeeya ay istaajiyaan, isla markaana ku sameeyaan baaritaan xaqiijin ah.

Ciidamada ammaanka ee ilaaliya agagaarka Xarunta Madaxtooyada ayaa maanta la arkayay, iyagoo joojinaya gaadiidka AMISOM, kuna amraya darwalka inuu soo dego, si looga hubiyo aqoonsigiisa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in saaka dhowr jeer wadada hormarta Madaxtooyada, gaar ahaan agagaarka Isgoyska Sayidka lagu celiyay gaadiidka AMISOM, lana weydiiyo aqoonsi

Arrintan ayaa ka dambeysay, markii la helay xogo amni oo sheegaya in Gaadiidka AMISOM horay looga qabsaday ay qorsheynayaan in Al-Shabaab weeraro ku fuliyaan.

Dhinaca kale Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in la adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo laga duulayo ka hortagga weeraro ay Al-Shabaab geystaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada amniga ay kordhiyeen howl galada la xiriira amniga, isla markaana lagu hubinayo gaadiidka.

Wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa ka taagan ciriiri xoogan oo ku aadan in gaadiidka si wayn loo baaro, waxaana sidoo kale jirta in Koontaroolo badan Magaalada gudaheeda ay dhex yaalaan oo ay ku sugan yihiin ciidamada.

LEAVE A REPLY