Daawo Sawiro Qurux badan Mudug Dhul Burwaaqo Buuro Dhadheer iyo Baliyo Biyo...

Daawo Sawiro Qurux badan Mudug Dhul Burwaaqo Buuro Dhadheer iyo Baliyo Biyo Buxaan Waa Robabkii Dhawan ka da’ay Mudug

0
SHARE

HM_Xafiiska gaalkacyo  Gobalka Mudug waxa ka Da,ay Roob  lixaad leh mudo kadib waxana  roobabkannka da’ay mudug ay kordhiyeen Bilicda Gobalka mudug gaar ahaan deganada dhaca Bariga gobalka Mudug .

Deganada Bariga Xog ee gobalka Mudug ayaa Waxa Safar Dheer ku Maray  Kox Wariyaal ah kuwaasi oo indho indheenayay Quruxda iyo Bilicda Bariga Mudug  kadib markii Roobab  lixaad leh ay ka da’een  gobalka Mudug Gaar ahan Deganada Bariga Mudug dhaca .

Quruxda , bilicda iyo Naqa soo Baxay aya soo jiidanayo indhahaaga markii aad aragto waxana xoolaha ay ahaayeen kuwo cayiilay markii ay cuneen naqa iyo dooga uu roobka soo saaray

baliyada ayaa ahaa kuwo buux dhaafay waxana biyo dhigay roobabkii u danbeyay ee da’ay gobalka Mudug iyadoona dadka dagan miyiga  ay soo naq raaceen gaar ahaan deganada uu roobku u badnaa

Meelaha sida wayn uu roobku uu  biyo dhigay waxa ka mid ah deganka Gosol oo dhaca Bariga Fog ee Gobalka mduug iyo degano kale waxana xoolo dhaqatada ku nool deganada bariga mudug ay  hobyomedia.com u shegeen in sanadkan roobka da’ay uu soo saaray  naq qurux badan taa oo keentay in reer miyiga ay soo roob racan gaar ahan dhulka roobku uu u badan yahay .

Sawiradan aya Muuhinaya in bariga Mudug ay si fiican u roob sadeen marka la  eego naqa ,dooga iyo baliyada deganada oo biyo ay buux dhaafiyeen waxana hadan nahay bahda hobyomedia.com aan din soo bandhigi doona sawiro kale oo dherraad ah oo ku adan  bilicda uu roobku u sameyay deganada gobalka mudug

Xafiiska Wararka Gaalkacyo 

Xaquuqda Sawirada waxa leh : Abdirahman Aden Shire 

 

LEAVE A REPLY