Daawo Sawirada +Warbixin : Madaxweyne Farmaajo oo kulan Xasaasi ah la Yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabeey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Galmudug Cali Gacal Casir.

Madaxweyne Farmaajo iyo Masuuliyiinta Galmudug waxaa ay kulankaan ku lafa gureen khilaafka bilihii dambe ka dhex curtay madaxda Galmudug iyo xaaladda guud ee maamulka Galmudug ee uu ugu horeeyo Amniga.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabeey) oo aan xiriir la samaynay, waxaa uu warbaahinta Saadaalnews u sheegay in kulankii ay maanta la qaateen Madaxweyne Farmaajo uu iska ahaa kulan xog wareysi ah oo lagu gogol xaarayo kulan dambe oo ay dib ka wada yeelan doonaan.

Ugu dambayntii kulankii ay maanta wada yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Masuuliyiinta Galmudug wuxuu ku soo idlaaday Jawi ay ku dheehan tahay farxad  is afgarad, waxaana ay u ballameen in maalmaha soo socda wada yeeshaan kulan kan ka ballaaran oo looga hadli doono arrimo badan oo dhamaantood ku wajahan danta iyo hurumarinta Galmudug.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




> Mike Edwards Authentic Jersey 
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
 
Advertisements