(Daawo Sawirro) Al-Shabaab oo soo bandhigtay ciidamo ka goostay Jubbaland iyo hubkooda

(Daawo Sawirro) Al-Shabaab oo soo bandhigtay ciidamo ka goostay Jubbaland iyo hubkooda

0
SHARE

Al-shabaab ayaa shalay galab Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe waxay ku soo bandhigeen saddex askari oo ay sheegeen iney ka soo goosteen ciidamada Jubbaland ee ku sugan deegaanka Buulo gaduud.

Seddexdaan askari ayay Al-shabaab sheegtay in iyagoo qoryahooda wata ay ka soo baxsadeen xerada Buulo Gudiid iskuna dhiibeeb Maamulka degmada Jilib.

Mas’uuliyiin ka tirsan Al-Shabaab ayaa ayaa sheegay in askarigii ka soo goosta safka cadawga hubkiisa loo lacageynayo isla markaana uu nabad ku joogi doono sida ay warka u dhigeen.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa sheegay in cafis loo fidiyey askarta ka soo goostay Maamulka Jubbaland ka dib markii ay Alle uga towbad keeneen la shaqeyntii ciidanka Kenya iyo Itoobiya ayna shacabka Soomaaliyeed weydiistay cafis.

Maamulka Jubbaland ayaan illaa hadda ka hadlin in askartan ay Al-shabaab soo badhigeen ay ka tirsanaayeen ciidankooda iyo in kale.

LEAVE A REPLY