Daawo Sawirro: Howlgalada ciidamada milateriga ka sameeyeen deegaano ka tirsan Sh/Dhexe

Daawo Sawirro: Howlgalada ciidamada milateriga ka sameeyeen deegaano ka tirsan Sh/Dhexe

0
SHARE

Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howl gallo ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay soo galeen Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Deegaanada Ciidamada howl galada ka sameeyeen ayaa u dhaxeeyay degmooyinka Balcad iyo Afgooye, waxaana shalay ciidamada ka sameeyeen halkaas howlgalo.

Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Caanood iyo Abaanduulaha Qeybta 12-ka April Jen. Koronto ayaa hoggaaminaya howl galkan oo ahaa kii ugu weynaa Ciidamada Milateriga ka sameeyaan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Milateriga ayaa ka soo dhaq dhaqaaq degmooyinka Afgooye iyo Balcad, waxaana deegaanada u dhaxeeya ka sameeyeen howl galo, iyagoo qarxiyay miinooyin dhulka lagu aasay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Axmed Meyre Makaraan ayaa gaaray deegaanada ay ciidamada ka sameeyeen howl galada, sida deegaanka Basra iyo tuulooyinka ku dhow dhow.

Al-Shabaab ayaa deegaanadaas soo galay maalmihii la soo dhaafay, waxaana ay weeraro ku qaadayeen ciidamada dowladda, waxaana miinooyin ku aasayeen jidadka isku xira Jowhar iyo Balcad iyo Balcad iyo Afgooye.

 

LEAVE A REPLY