Daawo Tababar Aqoon kordhin ah oo loo qabatay Qaar ka mida masuuliyiinta...

Daawo Tababar Aqoon kordhin ah oo loo qabatay Qaar ka mida masuuliyiinta iyo shaqaalaha Garoomada Diyaaradaha Galmudug

0
SHARE

ayadoo dhawaan wasaarada gaadiidka cirka dhulka ee dowlada Galmudug ay sheegtay in dib u habeyn iyo tayeeyn lagu sameeynayo garoomada diyaaradaha ee ku yaala guud ahaan deegaanada Galmudug ayaa waxaa Masuuliyiinta wasaaradaasi ay tababar u qabateen qaar ka mida masuuliyiinta iyo shaqaalaha garoomada diyaaradaha Galmudug kaas ahaa mid la xariira dhamaan howlaha shaqo ee looga baahan yahay

wasiirka wasaarada Gaadidka cirka iyo dhulka Galmudug C/llaahi Cali Maxamed oo isagu tababarka bixinayay ayaa sharaxaad guud ka siiyay ka qeyb galayaasha tababarka nidaamka shaqo ee masuuliyiinta iyo shaqaalaha looga baahan yahay

wasiirka ayaa sidoo kale intii uu tababarka bixinayay sheegay  haddii ay dhacdo in si taxdar la’aan ah loo shaqeeyo isla markaana aan xil layska saarin shaqada qaarkeed  ay imaan karto ineey sababtoo  qasaare nafeed iyo mid hantiyadeed

Tababarkaan ayaa ah kiihoreeyay oo ay wasaaradu u qabato masuliyiinta iyo shaqaalaha qaar ka mida garoomada diyaaradaha Galmudug

LEAVE A REPLY