Dhagayso: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Shirka DFS & Maamul Goboleedyada iyo wasiiro...

Dhagayso: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Shirka DFS & Maamul Goboleedyada iyo wasiiro ka hadlay qodobada la isku mari la yahay labada dhinac

0
SHARE

Madaxda Dowladda Somaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo maalmahaanba uu shir uga soconayay Magaalada Muqdisho, ayaa isu khilaafsan qodobada qaarkood ee shirka lagu lafa guraayo.

Labada dhinac oo shirkan uu maalintii Isniinta uga furmay Xarunta Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxay isku mari la’yihiin arrimo ay ka mid yihiin habka awood qaybsiga khayraadka dalka iyo siyaasadda arrimaha dibadda, ee uu qeexaayo Dastuurka Qabyo Qoraalka. Si gaar ahi waxay ugu kala qaybsan yihiin qodobada 53-aad iyo 54-aad ee Dastuurka.

Ka doodista qodobadan, ayaa mar hakad ku keenay shirka Madaxda Dowladda Dhexe & Maamul Goboleedyada uga soconaya Villa Somalia, inkastoo dadaalo badan ka dib lagu guuleystay in dhinacyadaasi ay markale miiska wada hadalada isugu soo noqdaan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa xaqiijinaya in weli ay taagan tahay doodda qodobada aasaaska u ah in shirka uu hakad ku yimaado.

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY