Dhageyso Barlamaanka Somaliya oo ku Taliyay in ay is casilaan Madaxweyne Farmaajo...

Dhageyso Barlamaanka Somaliya oo ku Taliyay in ay is casilaan Madaxweyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kheyre

0
SHARE

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dood adag ka yeeshay xaaladaha Siyaasadeed ee dalka iyo mida amni.

Xildhibaanada ayaa ku kala qeybsamay dooda qaar ka mid ah waxa ay dowladda Madaxweyne Farmaajo ku dhaliileen in ay dayacday amaanka dalka, qaarna waxa ay difaaceen dowladda oo ay sheegeen in wax badan ay qabatay.

Xildhibaan Axmed Cumaan Ibraahim Daqare oo ka mid ah Xildhibaanada kulanka ka hadlay ayaa Madaxweynaha iyo Ra’isal Wasaaraha ugu baaqay iney iscasilaan.

Waxaa uu sheegay in dalka hadda uu ku sugan yahay Xaalad adag.

Waxaa uu sheegay in ay tahay fashil Amni in xilka laga qaado taliyeyaashii Booliska iyo Nabad Suggidda.

Hoos ka  Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY