Dhageyso Galmudug oo sharaxaad ka Bixisay Dagaalkii Maalmo ka Hor ka dhacay...

Dhageyso Galmudug oo sharaxaad ka Bixisay Dagaalkii Maalmo ka Hor ka dhacay suuqa gaalkacyo waxa uu salka ku hayay iyo warkii puntland ee aha in shabab iyo ciidanka galmudug ay dagaalka soo qaaden

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkaccyo dhawaan waxaa suuqa weyn ee magaalada Galkacyo ka dhacay Dagaal u dhexeeyey ganacsatada wax ku iibiya suuqaasi waxaan dad badan ay fahmi la’aayeen sababta keentaya daaglkaasi, halka kuwo kalana ay maqlayeen in xiisadu ay salka ku hayso Bakhaar ku yaala bartamaha Suuqa waxaana taasi ay keentay in ay fahmi waayaan dadka qaabka lays kugu qabsan karo bakhaar iyo waxa hadda soo shaac baxshay.

Waxaa arinkaasi daaha ka qaaday Xirsi Yusuf Barre Duqa Degmada Galkacyo ee Galmudug kaas oo arintaasi ka hadlay kadib markii sarakiisha puntland ay shegeen in dagaalka ay qayb ka ahayen ciidamo shabab ka tirsan oo ay shegen in ay la safnayeen dhanka galmudug , waxana uu sharxay waxa uu salka ku hayey dagaalkii maalmo ka hor Gaalkacyo ka dhacay galaaftayna nafta in ku dhow shan ruux.

Xirsi Yusuf ayaa sheegey in Dagaalka uu salka ku hayey bakhaar ay daganan jirtay gabar  ka soo jeeday dhanka galmudug halka bakhaarka laga lahaa dhinaca kale isagoona xusey ina bakhaarka laga saaray gabadhii horey u daganayd lagana kireeyey ganacsato kale oo ka soo jeeda dhanka maamulka Puntland.

Hoos ka Dhageyso Codka 

LEAVE A REPLY