DHAGEYSO: Galmudug oo xukun ku riday rag u dhashay Yemen

DHAGEYSO: Galmudug oo xukun ku riday rag u dhashay Yemen

0
SHARE

Maxkamadda Gobolka Mudug ee dhanka Galmudug ayaa xukuno kala duwan oo isugu jira lacag iyo xabsi waxa ay ku riday Saddex nin oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Yemen.

Maxkamadda ayaa raggan ay xukunka ku riday waxa ay ku eedeysay in ay si sharci daro ah uga kalluumeysteen xeebaha Soomaaliyaha gaar ahaan dhanka maamulka Galmudug.

Raggan oo la socday Doon lagu magacaabo Al-ikhlaas One oo uu leeyahay Axmed Mataan ayaa waxaa lagu kala magacaabaa C/raxmaan Cali Saciid, Cabdalla Saalim Cabdalla iyo Maxamed Saalim Cali, waxaana dhammaantood lagu xukumay min laba sano oo xabsi ah iyo min Laba Kun oo Dollar.

Kaaliyaha Maxkamadda Gobolka Mudug ee dhanka maamulka Galmudug Maxamed Jaamac Diirshe oo warbaahinta u aqriyay xukunka ayaa sidoo kale sheegay Doonta in lagu ganaaxay lacag dhan 50 Kun oo Dollar.

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY