Dhageyso Odayaasha Waqooyiga Gaalkacyo Puntland oo Hareer Maray heshiiskii Ganacstada iyo kala...

Dhageyso Odayaasha Waqooyiga Gaalkacyo Puntland oo Hareer Maray heshiiskii Ganacstada iyo kala qadistii ciidmada ee suuqa Gaalkacyo iyagona dib u bilabay hurin colaadeed

0
SHARE

Nabadoon Yaasin Cabdisamad oo kamid ah nabadoonada Gobolka Mudug ee Dhanka Puntland   aya ka hadlay dagaalkii Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay   magalaada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa dhashay kaddib markii Galmudug ay diiday in mulkiilaha dhisme ku dhow dhismaha Hormuud la dhiso ama la ijaaro. Galmudug ayaa mulkiilaha dhismaha horay uga dalbatay canshuurta dhismaha, mulkiiluhuna waa uu ku gacansayray maamulka Galmudug asaga oo yiri, “dhismahayga maamulka Puntland baa canshuura.”

Dhismaha oo uu leeyahay nin reer Puntland ah ayaa Nabadoonku tusaale u soo qaatay in ay qayb ka tahay nidaamka jajuubka ah ee Galmudug ay rabto in ay dadka deegaanka ku barakiciso waa sida uu hadalka u dhigaye

Nabadoonka ayaa sidoo kale ku tilmaamay waanwaan uu ka sharqamiyey Duqa degmada Gaalkacyo, Maxamed Yaasiin Axmed Tumay, wax aan qiime u laheyn dadka deegaanka, oo uu kali ku yahay, cid uu kala tashadeyna aysan jirin

Odayaasha Puntland ee Waqooyiga Gaalkacyo aya Horay loogu Bartay in ay Huriyaan Colaada Gobalka Mudug marka Heshiis la Gaaro taa oo keenta in dhib iyo fowdo  kale ay dib u bilaabanto

Halkaan ka Dhageyso Codka coldoon Yaasiin C/samad

LEAVE A REPLY