Dhageyso Sheekh Maxamed Shaakir Madaxweynaha Ahlusunna oo ka Hadlay wada...

Dhageyso Sheekh Maxamed Shaakir Madaxweynaha Ahlusunna oo ka Hadlay wada Hadladii Galmudug iyo Ahlusuna ee kenya iyo shaqsiyad uu shegay in ay caqabad ku yihiin wada hadalada labada dhinac

0
SHARE

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan  Madaxweynaha ururka Ahlusunna Waljameeca oo hada  ku sugan Magaalada Noirobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay wada hadal dhexmaray Galmudug iyo Ahlusunna xili wafdi ka socda maamulka Galmudug ay gaareen jabuuti  isla markana wafdiga ahlusnna laga sugayo in ay iayguna garaan jabuuri halkaasi oo lagu qabanayo wajiga labaad ee shirka

Madaxweynaha ururka Ahlusunna  Waxaa uu sheegay in uu jiro kulan ka dhacay Magaalada Noirobi oo ay la qaateen Madaxweynaha Galmudug, islamarkaana uu horudhac  u ahaa kulan lagu waddo in maalmaha soo socda uu ka furmo dalka Jabuuti.

Waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin ay la heshiiyaan Galmudug, islamarkaana gobolada dhexe laga dhiso maamul mid ah waxana uu sidoo kale tilmaamay in wali ay jiraan shaqsiyaad siyaasiyiin ah kuwaasi oo caqabad wayn ku ah in ay sii socdaan wada hadalada  galmudug iyo ururka ahlusuuna

Hoos ka Dhageyso Codka 

LEAVE A REPLY