DHAGEYSO-Ururka ONLF Oo Ka Hadlay Go’aankii Baarlamaanka Ee Dhiibistii Qalbi-Dhagax

DHAGEYSO-Ururka ONLF Oo Ka Hadlay Go’aankii Baarlamaanka Ee Dhiibistii Qalbi-Dhagax

0
SHARE

Shalay Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay gebi ahaanba qalad ku tilmaameen dhiibistii Xukuumadda ee Cabdi Kariim Muuse Qalbi  Dhagax ay ugu wareejiyeen Dowladda Itoobiya waxaana arrintaasi ka hadlay Madaxda Ururka ONLF oo uu ka tirsanaa.

Afhayeenka Ururka ONLF ayaa sheegay in dhiibistii Qalbi Dhagax ay aheyd mid leysla wada ogaa isla markaana ay masuul ka ahaayeen Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya isla markaana ay aad uga xumaadeen.

Waxa uu ku taageeray Go’aankii ay qaateen Baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in ay qalad aheyd dhiibistas iyo in Warqad loo diro Dowladda Itoobiya si ay dib ugu soo celiso Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax.

Cadaani Hirmooge Afhayeenka Jabhada ONLF waxaa kaloo sheegay in iyagu aysan marnaba aqbaleyn in dadka soomaaliyeed la dhibaateeyo isla markaana xurriyada laga qaado sida uu hadalka u dhigay

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY