Dhageyso waraysi laga qaaday ka hor inta uusan in qarxin ninkii fuliyay...

Dhageyso waraysi laga qaaday ka hor inta uusan in qarxin ninkii fuliyay weerarkii hotel Nasa Hablood2 isago shegay magacisa iyo qabiilka uu ka soo jeedo

0
SHARE

Kooxda Alshabaab ayaa soo bandhigay Waraysi ay ka qaadeen Mid ka mida Raggii weeraray Sabtidii Hotelka Naasahablood 2 ee Muqdisho. kaasoo sheegaya Magaciisa iyo Qabiilkiisa.

Ninkan oo magaciisa ku sheegay Xuseen Rukoow Maadeey oo ay Kooxdiisu u taqaan Carab waxa uu ku sheegay Qabiilkiisa Beesha Gaaljecel, isagoona sheegay in Hooyadiis ay kaligiis ka dhashay Wiil, isla markaana ay dhabarka ka soo dharbaaxday markii uu u sheegay inuu is qarxinayo. Wuxuuna ku booriyay Waalidiinta kale ee Soomaaliyeed inay Wiilashooda haligaan oo sidiisii kale u soo diraan inay is qarxiyaan, Dadka Soomaaliyeedna laayaan.

Ismiidaamiye Carab waxa uu dhaliilay Beeshiisa Gaaljecel oo uu ku eedeeyay inay ka gaabisay Dagaalka Argagixisanimadda ah ee Shabaab oo uu isagu u yaqaan Jihaad, Wuxuuna ugu baaqay inay ka soo tagaan Dhaqashadda Geelle oo ay Dagaalka ku soo biiraan.

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY