Dowladda Mareykanka Oo Ku Gacan-Sayrtay Qorshihii AMISOM Uga Bixi Lahaayeen Soomaaliya

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay inaysan xilligan munaasab ku ahayn inay AMISOM ka baxaan Somalia, waxayna ka digeen inay Kooxaha Xag-jirka wax u dhimi doonaan Mandiqadda Gobalka, waa sida hadalka loo dhigay.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka oo lagu magacaabo Wohleris Mariyoon ayaa u sheegay Wargeyska The EastAfrican ee ka soo baxa magaalladda Nairobi inaysan Dowladda Maraykanka rajeyn doonin inay wax Ciiddan AMISOM ka baxaan Somalia bisha soo socota ee December.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladda Maraykanka diyaar u tahay inay Ciiddanka AMISOM siiyaan Taageero dhinacyadda Tababarka, Dhaqaalaha, Loojistikada iyo Taageeradda La-talinta, si loo dhiso Awoodda Ciiddanka Somalia ee ka garab shaqeeya kuwa AMISOM.

“Annaga ma taageeri doono in hoos loo dhigo Heerkaasi xilligan, iyadoo la fahamsan yahay Walaaca Ammaanka ee sii socda” ayuu yiri Wohleris Mariyoon.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maraykanka taageerayaan Shuruudaha asaaska u ah Dhimista Ciiddanka AMISOM, taasi oo uu xusay inay ku xiran tahay Horumarinta Awoodda Khibradeed ee Ciiddanka Ammaanka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Golaha Ammaanka ee QM waxay bishii August ee sannadkan soo saareen Qaraarkii tirsigiisu ahaa 2373, kaasi oo lagu muujiyey in ay Dhismista Ciiddanka AMISOM bilaaban doonto dabayaaqada bisha December ee sannadkan 2017-ka.

Taliska AMISOM waxay iyagana dhawaan sheegeen in bisha soo socota 1,000 Askari oo AMISOM ah laga daad-gureyn doono Somalia, iyadoo 1,000 kalena la daad-gureyn doono bisha May ee sannadka soo socda ee 2108-ka.

Sidoo kale, Qeybta ugu dambeysa ee 21,000 Askari ee Ciiddanka AMISOM ka jooga Somalia waxaa laga daad-gureyn doonaa sannadka 2020-ka.


Shabakada hobyomedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail hobyomedia1@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

Daawo Muqaaal Dagaalkii Suuqa Bartamaha Gaalkacyo, iyo jawiga sida uu ahaa inta uu dagaalka socday
- Nov 24, 2017
HM+__Xafiiska Gaalkacyo : Dagaal Kooban aya waxa uu ka dhacay bartaha Suuqa Gaalakcyo waxana ...
Shiikh Max’ed Siciid Atam oo liiska Argigixisada lagu daray.
- Nov 24, 2017
War lagu baahiyay wakaaladda wararka Sacuudiga u faafisa ee SPA waxaa lagu sheegay in ...
Dhageyso Fah Faahino , Goobtii suuqa Bartamaha Gaalkacyo ee uu dagalka ka dhacay oo ciidamo la geyay yayse ka socdan ciidanka suuqa ku sugan
- Nov 24, 2017
Dagaal udhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo kuwa galmudug ayaa maanta ka dhacay magaalada gaalkacyo ee ...
Dhageyso Maamulka galmudug oo ka Hadlay Dagaalkii ka Dhacay Shalay Suuqa Gaalkacyo,ganacsade dagaalka ku dhintay iyo xaalada suuqa
- Nov 24, 2017
4 qof oo uu kujiro Nin Ganacsade ahaa ayaa ku dhintay Dagaalka Maanta  Tiro ...
Dowladda Ruwanda Oo Qaabilaysa 30,00 Oo Qaxooti Ku Dhibaataysan Dalka Libiya
- Nov 24, 2017
Haweenyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Rwanda, Louise Mushikiwabo ayaa sheegtay inay doonayaan inay qaabilaan ...
Waa sidee Gaalkacyo Caawa kadib dagaal maanta ka dhacay Gaalkacyo
- Nov 23, 2017
Gaalkacyo: Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatey , shan qof oo kalana waa ...
Faah Faahin Dadkii ku dhintay Dagaal kooban oo maanta ka dhacay suuqa barhama gaalkacyo o korartay , wararkii ugu danbeyaysay
- Nov 23, 2017
Dagaal dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay maanta suuqa ...
Dhageyso Dagaalkii Maanta ka dhacay Suuqa Bartamaha Gaalkacyo , ciidamo la geyay goobta iyo warar kala duwan oo xaalada gaalkacyo ku saabsan
- Nov 23, 2017
Barqanimadii Maant ayaa mar qura waxa Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka ...
Faah Fahin Dagaal Kooban oo Maanta ka Dhacay Suuqa Gaalkacyo iyo Dhimasho iyo Dhaawac ka dhalatay
- Nov 23, 2017
Wararki ugu dambeyay ayaa sheegaya in dagaalka uu Sii xoogeystay kadib markii labada dhinac ...
Raashiya, Turkiga iyo Iiraan oo isku raacay Shir looga hadlayo Arrimaha Syria
- Nov 23, 2017
Saddexda Madaxweyne ayaa hadalkaasi ku dhawaaqay, kadib, markii ay kulan Wadajir ah ku yeesheen ...
10-ka Hoggaamiye Ee Xillgan Ugu Waqtiga Dheer Qaaradda Afrika
- Nov 23, 2017
Robert Mugabe oo 93 jir ah, ahaana hoggaamiyihii Zimbabwe laga soo bilaabo xuriyaddii dalkaasi ...
Sawiro iyo Warbixin ku saabsan Qaabkii muqdisho loogu Dilay Xildhiban Maxamed Cabdi Guuleed oo ka Tirsana Barlamanka Galmudug la Soco Xog dhamaystiran
- Nov 23, 2017
Mar kale ayay ilaalada madaxda dowladda Soomaaliya ku lug yeesheen dilka muwaadin kale oo ...
Mladic wuxu hogaamiyey xoogag intii uu socday xasuuqii muslimiinta Bosnia ee Srebrnica Balse ugu Danbeyn Maxkamadda QM ee Hague ayaa ku xukuntay Xabsi daa’in
- Nov 23, 2017
Taliyihii hore ee Serbiyiinta Bosnia Ratko Mladic ayaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii ...
Caro ka dhalatay nin Israa’iili ah oo isku soo sawiray masjika nebiga
- Nov 23, 2017
Sawir uu muwaadin Israa'iili ah ku dhex galay masjidka nebiga ee ku yaal Madiina ...
warbixin : Shirar u Dhaxeya galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka Soconaya kadib Xisado ka Soo Cusbonaday Bariga Mudug
- Nov 22, 2017
Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa markale ka wada hadlay Nabadda iyo Xasiloonida Gobolka Mudug, ...
 
Advertisements