Faah Faahin Dadkii ku dhintay Dagaal kooban oo maanta ka dhacay suuqa...

Faah Faahin Dadkii ku dhintay Dagaal kooban oo maanta ka dhacay suuqa barhama gaalkacyo o korartay , wararkii ugu danbeyaysay

0
SHARE

Dagaal dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay maanta suuqa magaalada Gaalkacyo, waxaana jira khasaare halkaasi ka dhashay.

Wararka waxay sheegayaan in lagu dagaallamay xarumo ganacsi oo halkaasi ku yaalla, iyadoo la sheegay in daqiiqado badan rasaas xooggan la isku adeegsanayey.

4 ayaa naloo xaqiijiyey in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen, iyadoo khasaarahana uu intaasi ka badan karo.

Xaaladda weli waa ay kacsan tahay, dagaalkaasina kama aanay kala hadal Puntland iyo Galmudug.

Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala Tirsan Galmudug iyo Puntland  aya Goobta la geyay Waxaana Ciidamada labada dhinac  ayu isku dayaan in xaalada ay qaboojiyaan

sidoo kale waxa jira ciidamo  maleeshiyo hubaysan oo labada dhinac ah kuwaasi oo iayguna ku sugan goobo u dhaw halkii maanta  u ka dhacay dagaal kooban

sikastaba xaalada gaalkacyo aya barihii u danbeysay dagnayd waxana dhawan jiray kulamo labada dhinac ah kuwaasi oo loga hadlayo dib u dhiska  labada dhinac

LEAVE A REPLY