Galmudug oo beenisay warar Been abuur ah oo ku saabsan in hobyo...

Galmudug oo beenisay warar Been abuur ah oo ku saabsan in hobyo shabaab ay la Wareegeen

0
SHARE

Gudoomiyaha Degmada Hobyo Abdullaahi Ahmed Ali Faat oo gor dhow Talefoonka kula hadlay isagoo Hobyo ku sugan ayaa beeniyay in Alshabaab Caawa ay la Wareegeen Degmada Hobyo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in warkaasi ay baahiyeen Dad uu tilmaamay in ay ka soo horjeedaan Hormarka Hobyo.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa imaanaya xilli saacad ka hor warbaahinta ay shegen in Alshabaab ay gudaha u galeen Hobyo kuwasi oo baadi Goobaya Sadex qof oo ajnabi ah oo maxkamada Gobolka Mudug ay xunkuntay.

Jawiga Hobyo ayaa dagan mana jiraan wax isbadal ah sida ay ii sheegeen Goobjoogayaal ku sugan Hobyo

LEAVE A REPLY