Heyadda Banaadir Blood Service & Maamulka gobolka oo daah furay Mashruuc cusub...

Heyadda Banaadir Blood Service & Maamulka gobolka oo daah furay Mashruuc cusub (Daawo Sawirro)

0
SHARE

Heyadda Banaadir Blood Service & Maamulka gobolka ayaa si wadajir ah u daahfuray qorshe lagu abuurayo adeega dhiiga ee gobolka si bukaanada lagu daaweynayo isbitaalada loogu helo xili walba dhiig diyaar ah.

Guddoomiyaha heyadda Adeega dhiiga ee Banaadir Ahmed Abdulkadir Mohamed ayaa sheegay heyaddan horaantii sanadkan la aasaasay ka dib markii ay arkeen baahida loo qabo wuxuuna intaas ku daray keyd in degmo walba oo ka tirsan gobolka Banaadir loo sameyn doono keyd la xiriira adeega dhiiga.

Agaasimaha Caafimada ee gobolka Banaadr Dr. Abdullahi Hassan Mohamed oo daahfuray howlaha adeega dhiiga ee Banadir Blood Service ayaa sheegay in Bankigii dhiiga uu Meesha  ka baxay burburkii dowladii dhexe  ka dib, waxaana la sameeyay ayuu yiru isku dayo dib loo soo nooleynayo Bankiga dhiiga ayna suurta geli weysay, isagoo soo dhaweeyay dhalinyarada baratay culuumta caafimadka oo sameeyey heyadda adeega dhiiga ee gobolka Banaadir wuxuuna balan-qaaday in maamulka gobolka uu garab buuxa siin doono.

Barnaanijkan adeega dhiiga ee gobolka benaadir ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo heli lahaa adeega dhiig bixinta haddii ay timaado baaahi waxaana howlahaas hormuud ka ah dhalinyaro ka baratay culuumta caafimadka jaamacaddaha dalka.

Dhalinyaro aya barnaamijkan hormuud ka ah waxana Gudomiye kuxigeenku waa qaalid cfitaax faarax oo ah gudoomiye urur dhalinyaro uu sheegay in barnamijkan uu wax badan uu faaido u yahay dadka shacab ah

LEAVE A REPLY