Hogaamiyihii hore ee Catalonia oo beeniyay inuu magangalyo weydiisanayo dowlada Beljimka

Hogaamiyihii hore ee Catalonia oo beeniyay inuu magangalyo weydiisanayo dowlada Beljimka

0
SHARE

Hogaamiyihii Catalonia ee xilka laga qaaday Carles Puigdemont ayaa sheegay inuusan u joogin dalka Belgiumka in magangelyo siyaasadeed la siiyo.

Carles ayaa ka soo muuqday meel fagaare ah magaalada Brussels iyadoo ay dhinacyadiisa taagan yihiin qaar ka mid ah golihiisii wasiirada ee la eryey.

Maamulka dhexe ee dowlada Spain ayaa si toos ah ula wareegtay Catalonia waxayna ceyrisay madaxdii gobolkaas kadib markii Maxkamada Sare ee Spain ay laashay natiijadii ka soo baxday aftidii laga qaaday shacabka Catalonia taasoo u horseeday in ugu dambeyntii ay sheegtaan inay ka go’een dalka Spain toddobaadkii la soo dhaafay,

Mr Puigdemont ayaa sheegay inuusan dooneyn inuu ka baxsado dalkiisa uuna magangalyo weydiisto dalka Belgium,balse waxa uu shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu ka qeybgalo doorashada ay ku dhowaaqday xukuumada Spain in la qabto 21ka bisha December ee sanadkan.

Dowlada Spain ayaa waxa ay hore u shaacisay in uu hogaamiyihii hore ee Catalonia uu ka soo qeybgali karo doorashooyinka cusub.

Hase ahaatee lama oga mudada uu joogi doono hogaamiyihii hore ee Catalonia dalka Belgiumka balse waxaa laga soo xigtey inuu sheegay inuu soo laabanayo haddii ay xukuumadu damaanad qaado amnigiisa.

Kumanaan ruux oo banaanbaxyo ka dhigtey gobolka Catalonia ayaa waxa ay ku baaqeen in sharciga la horkeeno hogaamiyihii hore ee Catalonia  Carles Puigdemont.

Balse wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha dalka Spain ayaa sheegaya in Maxkamad ay u yeertay hogaamiyihii hore ee Catalonia Carles inuu horyimaado Maxkamada qaranka Spain si su’aalo loogaga weydiiyo ku dhowaaqista ka go’ista Catalonia dalka Spain intiisa kale.

Xaakimka Maxkamada ayaa ku hanjabay in haddii uu maalinta Khamiista ama Jimcaha uu horimaan waayo maxkamada in loo jari doono warqad lagu soo xiro

LEAVE A REPLY