Hogaamiyihii maafiyada Talyaaniga ee lagu magacaabi jiray ‘laadarka laadarada oo dhan’...

Hogaamiyihii maafiyada Talyaaniga ee lagu magacaabi jiray ‘laadarka laadarada oo dhan’ oo xabsi ku dhex dhintay

0
SHARE

Toto Riina oo lagu magacaabi jiray ‘laadarka laadarada oo dhan’ ayaa xabsi ku dhex dhintay isaga oo 87 jir ah.

Waxa uu xabsiga ku qaadanayay xukun dhan 26 sano oo xarig ah, waxaana la rumeysanyahay in uu amray 150 dilal qorshaysan ah.

Waxa uu madax ka ahaa kooxda maafiyada Talyaaniga ee Cosa Nostra, wuxuuna baxsad ahaa muddo rubuc qarni ah ka hor intii aanan lasoo qabanin sanadkii 1993-dii.

Waxaa xitaa la sheegay in isaga oo xabsiga ku jira uu soo amray dilal kale oo banaanka ka dhacay.

Waxaa la sheegay in uu u dhintay xanuunka kansarka, waxa kale oo uu la liitay xanuun xagga wadnaha ah.

Riina ayaa lasoo xiray sanadkii 1993-diiLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionRiina ayaa lasoo xiray sanadkii 1993-dii

Isbitaal ku yaala xasbiga dhexdiida ee magaalada Parma ayaa la sheegay in uu muddo ku jiray isaga oo sariirta kusoo uruuray.

Waxa uu ku dhashay magaalada Carleone, ee jasiiradda Sicily sanadkii 1930-kii, wuxuuna ka dhashay qoys beeralay ah, aabihiisna waxaa la dilay isaga oo 14 jir ah.

Markii uu 19 jir ahaa ayuu ku biiray kooxaha maafiyada, isaga oo geystay dilal badan si uu boos fiican u helo. Muddo 6 sano ayuu xabsi ku qaatay dhalinyaronimadiisii.

Sanadkii 1974-tii ayuu madax ka noqday kooxdii maafiyada ahayd kadib markii xabsiga la galiyay nin kale oo madax ka ahaa.

Intii uu madaxda ahaa waxa ay kooxdiisa noqotay tan ugu awoodda badan, heshay dhaqaale aad u badan, waxaana hawlihii ay qaban jireen ka mid ahaa dhoofinta daroogada Heroine-ka loo yaqaano oo la geyn jiray dalalka Waqooyiga Amerika.

Dadka uu dilkooda amray waxaa ka mid ah xaakim sare oo dacwadda maafiyada dhagaysanayay , gaari ayaa bam loogu rakibayLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDadka uu dilkooda amray waxaa ka mid ah xaakim sare oo dacwadda maafiyada dhagaysanayay , gaari ayaa bam loogu rakibay

Francesco Bongara oo ah wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Talyaaniga ee Ansa ayaa BBC-da u sheegay in Riino uu ahaa kan ugu arxanka daran laadariinta maafiyada oo dhan, “meel naxdo ma uusan lahayn, wuxuuna geystay gaboodfaladii ugu foosha xumaa taariikhda maafiyada” ayuu intaas ku daray.

Riino ayaa dadka uu laayay waxaa ka mid ah dadkii kula loolamayay dambiyada, taasna waxa ay keentay in qaar badan oo ka mid ahaa tuugadii uu baacsanayay ay la shaqeeyay booliiska, bixiyayna caddaymo ku filan oo isaga loogu soo oogo dambi.

Markii lasoo xiray sanadkii 1993-dii, kooxdiisa waxa ay weeraro bambaanooyin ah ka geysteen magaalooyinka Rome iyo Milan iyaga oo ka caraysan xarigiisa.

Waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo afar caruur oo mid xabsi daa'in ku xukumanyahayLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionWaxa uu ifka kaga tagay xaas iyo afar caruur oo mid xabsi daa’in ku xukumanyahay

Riino ayaa dhambaal dhawaan laga duubay ku sheegay in uusan marnaba wax shalayto ah ka qabin wixii uu sameeyay, islamarkaasna aanan go’aankiisa waxbo laga badali karin xitaa haddii lagu xukumo 3,000 sano.

Waxa uu ifka kaga tagay xaaskiisa Antonietta iyo afar caruur ah oo uu ka midyahay wiilkiisa ugu weyn Giovanni oo hadda xabsiga ku qaadana xukun xabsi daa’in ah kadib markii uu afar qof dilay.

LEAVE A REPLY