Mladic wuxu hogaamiyey xoogag intii uu socday xasuuqii muslimiinta Bosnia ee Srebrnica...

Mladic wuxu hogaamiyey xoogag intii uu socday xasuuqii muslimiinta Bosnia ee Srebrnica Balse ugu Danbeyn Maxkamadda QM ee Hague ayaa ku xukuntay Xabsi daa’in

0
SHARE

Taliyihii hore ee Serbiyiinta Bosnia Ratko Mladic ayaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu helay dambiyo xasuuq iyo dilal ay ka mid yihiin  oo uu ka gaystay dagaalkii Bosnia ee sagaashamaadkii.

Mladic oo loo yiqiin “Kawaanlihii Bosnia”ayaa hogaaminayay ciidamo badan intii uu socday  xasuuqii muslimiinta Bosnia ee Srebrnica iyo go’doomintii Sarajevo.

Maxkamadda qaramada midoobay ee Hague ayaa ku heshay 10 ka mid ah 11 eedeymood.

Mladic oo 74 jir ah ayaan joogin maxkamada markii xukunka la akhriyayey, waxa la saaray isagoo ku qaylinaya xaakimiinta.

“Waa been. Wax kasta oo aad qolkan maxkamada ka sheegteeb waa been” ayuu yiri.

Maxkamada ayaa diiday in dib loo dhigo qaadista dacwada kadib markii qareenada u doodayay Mladic ay sheegeen inuu hayo cudurka dhiig karka.

Mladic wuu beeniyey dhamaan eedaymaha qareenkiisuna waxa uu sheegay in racfaan uu ka qaadan doono xukunka.

Maxkamada Haig ayaa hore ugu tilmaantay xasuuq dil loo  geystey 8,000 oo Muslimiin ah oo ku noolaa srebnica.

Mladic ayaa muddo 16 sanadood ah baxsad ahaa hase yeeshee sanadkii 2011kii ayaa laga soo qabtay guri ku yaal Waqooyiga Serbia.

LEAVE A REPLY