Qaramada Midoobey oo sheegtay in Daacish ku xoogeysatay Bariga Soomaaliya

Qaramada Midoobey oo sheegtay in Daacish ku xoogeysatay Bariga Soomaaliya

0
SHARE

Warbixin ay siideysay Qaramada Midoobey ayey ku sheegtay in Ururka Daacish Garabkiisa Soomaaliya uu si xoogleh ugu kordhayo Gobolka Bari ee Soomaaliya.

Warbixintan oo ay soo bandhigeen Qubaro Qaramada midoobey u qaabilsan la socodka  Daacish iyo dhaq dhaqaaqyadeeda  ayey ku sheegeen in marka loo eego Sanadkii hore iyo Sanadkan ay Daacish Ciidan badan  ka qorotay Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Bari.

Waxaa lagu xusay in Sanadkii 2016kii ay tiro ahaan dhamaayeen 24 Qof,laakiin ay hadda marayaan 200 Ciidan ah iyo saraakiishooda.

Weerar uu dhawaan Mareykanka ka fuliyay Bariga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sidoo kale uu muujinayo kororka Daacish ee Soomaaliya.

Madaxa Sirdoonka Puntland ayaa sheegay in weerarkii dhawaan mareykanka ka geystay Gobolka Bari ay ku dhinteen 20 ka mid ah Ciidamada Daacish oo saddex ka mid ah ay Ajannabi Carab ah ahaayeen.

LEAVE A REPLY