Sawiro : Madaxweyne Xaaf oo dib ugu Laabtay Muqdisho kadib Safarkisi Kenya Maxaa so Kordhay ?

Safar shaqo oo uu Labo maalin dalka uga maqnaa madaxweynaha Galmudug waxaa dib manta ugu soo laabtay dalka waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirkii hore ee arimaha gudaha Xil.Cabdiraxmaan xuseen (Odawaa) Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Xubno ka tirsan beesha caalamka Iyo qaar ka mid ah Wasiirada Iyo xildhibaanada Galmudug

Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa Madaxweynaha ku soo dhaweyay Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka soomaliya .Wasiiro iyo xildhibaano la Tirsan Galmudug iyo Gudoomiyaha Gobolka banaadir .

Garoonka ayuu waxaa uu kulan kula qaatay saraakkil ka tirsan beesha Caalamka.

Madaxweyne Xaaf wali ma uusan ka hadlin safarkiiss Kenay balse warar Hoose ayaa sheegaya in Halkaasi uu kula kulmay Sheikh Maxamed Shaakir

Wararka Aan Helnay ayaa sheegaya in Madaxda Galmudug iyo Ahlusunna ay isku soo dhawaadeen islamarkaana Wada-hadalka dhexmaray uu ahaa mid la isla Afgartay Waxyaabo badan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Wajiga Labaad ee Wada-hadalka Galmudug iyo Ahlusunna uu ka dhici doono Wadanka Jabuuti Dabayaaqada Bishaan aan ku jirno.

Khilaafka u dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna ayaa soo jiitamayay tan iyo markii la dhisay Maamulka Galmudug oo uu Madaxweynaha ka noqday C/kariin Xuseen Guuleed.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




> Mike Edwards Authentic Jersey 
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
 
Advertisements