WARBIXIN: Mareykanka oo 24 saac gudahood Saddex weerar ka fuliyay Soomaaliya

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay qaadeen saddex weerar oo diyaarado ah muddo 24 saacadood gudahood ah, islamarkaana ay beegsadeen xarumo ay ku suganaayeen Al-Shabaab, maalmihii lasoo dhaafay ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa waxay dileen dhowr dagaalyahanno oo Al-Shabaab ka tirsanaa sida afhayeen u hadlay taliska milateriga Maraykanka ee Afrika  uu u  sheegay Wakaaladda Wararka ee AP Axaddii Shalay aheyd saddexda weeraro oo diyaaradaha Maraykanku ay qaadeen  Waxaa lagu dilay 26 Askari oo ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanku uu ka fuliyay Soomaaliya, waxaa uu sheegay ciidamada dowladda Soomaaliya ee sida gaar ah u tababar ka qeyb qaateen.

Weerarkii  ugu horreyay ayaa waxaa uu dhacday Sabtidii ku dhawaad ​​4:30 p.m, waxaana diyaaradaha Mareykanka ay beegsadeen goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab sida ay xaqiijiyeen taliska Mareykanka ee Afrika ,Weerarkaasi wuxuu ka dhacay meel u dhow  Buulo Gaduud, oo ku dhowaad 250 mayl dhinaca koonfur galbeedka kaga beegan  caasimadda Soomaaliya  ee Muqdisho.

Weerarkaasi ayaa waxa ay sheegtay dowladda Mareykanka in uu yimid kadib markii al-Shabaab ay weerareen kolonyo ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ah ay wateen,islamarkaana diyaarado dagaal ay duqeeyay Kooxdii Weerarkaasi soo qaaday.

“Waxan qiimeyneynaa in aysan waxyeelo soo gaarin qof rayid ah meel kasta  oo aan beegsaneyno” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Ciidamada Mareykanka.

“Waxaan qaadnaa tallaabooyin kasta inta lagu gudajirayo habka loo beegsanaayo si loo hubiyo in dhimashada dadka rayidka ah iyo waxyeelooyinka kale ee soo gaaraya dadka Shacabka ah, waxaana diyaar u nahay  dammaanad-qaadka  iyo u hoggaansamidda mabaadii’da Sharciga “ ayuu hadalkaasi intaasi kusii daray.

Weerarka labaad wuxuu dhacay Axaddii 3-dii subaxnimo, waxaana uu ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose meel Magaalada Muqdisho u jirta 40 KM .

Weerarkaasi waxaa uu ka dhacay Deegaan dhanka Koonfur Bari kaga beegan Daaru Salaam Gobolka Shabellaha hoose, waxaana dowladda Mareykanka ay sheegtay in beegsatay Saldhig ay Al-Shabaab leeyihiin ,inkastoo halkaasi laga soo qaaday Meydad dad Shacab ah, hadana dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay baareyso in ay jirto waxyeelo Shacabka gaartay.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Weerarka Saddexaad uu dhacay ,isla maalintii Shalay aheyd,islamarkaana uu ka dhacay degaanada Puntland gaar halka ay ku sugan yihiin Kooxda Daacish.

“Ciidamada Maraykanku waxay sii wadi doonaan inay isticmaalaan dhammaan tallaabooyinka la ansixiyey iyo kuwa ku haboon ee lagu ilaalinayo dadka Maraykanka  iyo dadka Soomaaliyeed ,islamarkaana ay ka hortaggaan Hanjabaadaha argagixisada,” ayuu yiri afhayeenka Ciidamada Mareykanka .

Ciidamada Mareykanka ayaa la shaqeynaya ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo 22,000 oo askari oo Midowga Afrika  ka socda.

Maamulka Trump ayaa  horaantii sanadkaan ansixiyay howlgalo millatari oo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

Madaxweyne caan ah oo loo heysto inuu xaday dheyman lagu qiimeeyey 15 bilyan oo dollar
- May 24, 2018
Guddi ka tirsan baarlamanka dalka Zimbabwe ayaa la filayaa inay ku cadaadiyaan madaxweynihii hore ...
War dag dag ah Daawo Sawiro Laga soo Qaaday Dhawacyada Ciidamada Somaliland Dgaaal Wali ka socda Maanta Tukaraq
- May 24, 2018
Dagaal Xoogan ayaa maanta ka Socda Deganka tukaraq Kaasi oo u dhaxeeya Ciidmada Maamulka ...
Daawo Sawirada + Warbixin : Magaalada Hobyo oo Lagu Doortay Gudoomiye Cusub
- May 24, 2018
HM)  Xafiiska Gaalkacyo Xaflad Ka Dhacday Magaalada Hobyo Ee Goballka Mudug ayaa Dhalinyarada Degmadaasi ...
Daawo Sawirada Masuuliyiin ka kala Socday Maamulka Galmudug iyo Sarakiisha EU NAVFOR oo ka wada Hadley Amaanka Xeebaha Galmudug
- May 24, 2018
Maraakiibta Talyaaniga iyo maraakiibta yaryar ee ka socda amaanka EU NAVFOR, ITS Margottini waxay ...
Akhriso Faah Faahino Dagaal Xoogan oo Saaka Ka Dhacay Tukaraq iyo Puntland oo War-Saxafadeed Deg deg ah Goordhaw soo Saartay
- May 24, 2018
Kadib dagaal saakay ka bilaawday deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa Warka soo ...
XOG: Sirdoonka DF oo qorshe cusub ay kaga hortagayaan u degay dilalka qorsheysan ee Muqdisho ka geystaan Daacish
- May 24, 2018
Sirdoonka Soomaaliya ayaa badinaya wardoonkooda magaalada Muqdisho ka dib markii ay soo if baxday ...
Warar Cusub oo ku Saabsan Xildhibaan Lagu Toogtay Magaaalada Gaalkacyo iyo Cidii Dilkaasi ka danbeysay
- May 24, 2018
Faah Faahino Cusub aya ka Soo baxaya Dil ka dhacya Magaalada Gaalkacyo Halkaasi oo ...
DHAGEYSO:-Maamulka degmada Caabudwaaq oo eedeen u jeediyay maamulka Galmudug
- May 23, 2018
Guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee degmada Caabudwaaq ee Waaqoyga gobolka Galgaduud ayaa eedeen ...
DHAGEYSO:-Maamulka degmada Caabudwaaq oo eedeen u jeediyay maamulka Galmudug
- May 23, 2018
Guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee degmada Caabudwaaq ee Waaqoyga gobolka Galgaduud ayaa eedeen ...
DHAGEYSO: Khilaaf xoogan oo Markale soo kala dhex galay Madaxda Galmudug, (Yaa ka dambeeya?)
- May 23, 2018
Khilaaf cusub ayaa markale soo gala dhexgalay Madaxda maamulka Galmudug sidda ay shaaciyeen Mas’uuliyiin ...
XOG CUSUB: Dowlada Turkiga oo Madaxweyne Farmaajo ku Qalqaalineysa inuu ka Taqaluso Imaaraadka
- May 23, 2018
 Warar hoose oo ay heleyso Hobyomedia.com .com ayaa sheegaya in Masuuliyiin ka socda Dowlada ...
Cabdiraxmaan C/shakuur” Booqashadii Doha ka dib Xildhibaanada waxaa loo qeybiyay lacag gaaraysa $1645,000
- May 23, 2018
Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ah Siyaasiyiinta aadka u mucaaradsan Dowladda madaxweyne Farmaajo ...
Diyaarad dagaal Nuucii ugu dambeeyay Dunida oo Duqeymo geesatay (Daawo Sawirro)
- May 23, 2018
Diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-35 laguna farsameeyo dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeesay ...
Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Fariisin Ay Leeyihiin Ciidamada AMISOM
- May 23, 2018
Faah faahino dheeraad ah ayaa kazoo baxaya weerar madaafiic loo adeegsaday oo xalay lagu ...
Sucuudiga iyo Masar oo dhex dhexaadinaya Jabuuti iyo Imaaraad, waxaan Jabuuti tagay Madaxa DPWorld
- May 22, 2018
Madaxa shirkadda DP world ee dalka Imaaraadka Carabta Axmed Bin Suleyman ayaa horaantii bishan ...
>
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
 
Advertisements