warbixin : Shirar u Dhaxeya galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka Soconaya kadib Xisado ka Soo Cusbonaday Bariga Mudug

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa markale ka wada hadlay Nabadda iyo Xasiloonida Gobolka Mudug, kadib markii ay maanta shir ku yeesheen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolkaasi.

Waxaana shirkaasi ka qeyb galay guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Maamullada Galmudug iyo Puntland iyo saraakiisha ciidamada labada dhinac.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa diirada lagu saaray, sida looga hortagi karo colaadaha haatan ka taagan Bariga Gobolka Mudug iyo sida loo xoojin karo ciidanka isku dhafka ah ee Magaalada Gaalkacyo.

Kulankaan ayaa yimid ka gadaal markii shalay iyo maalinkii ka horeyey ay maleeshiyaad ka soo jeeda maamulka puntland ay dhaceen xoolo ay lahaayeen dadka xoolo dhaqatadaa ee reer Galmudug, waxaana jiray dad waxyeelo ka soo gaartay intay socdeen dhaca xoolahaasi.

Madaxda Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa isku afgartay in laga wada shaqeeyo Nabadda Mudug, si looga hortago colaadaha ka jira Gobolkaasi.

Deegaano dhaca Bariga Gobolka Mudug ayaa waxaa weli ka taagan xiisado colaadeed oo u dhexeeya maleeshiyaad kala taabacsan Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo dhowr jeer ku dagaalamay deegaanadaasi.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




> Mike Edwards Authentic Jersey 
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
 
Advertisements