Warbixin Wasiir loo Haysto in meel banaanka uu ku kaadiyay kadibse maxuu...

Warbixin Wasiir loo Haysto in meel banaanka uu ku kaadiyay kadibse maxuu ku jawaabayay?

0
SHARE

Wasiirk ka tirsan xisbiga talada haya ee dalka Hindiya ayaa lagu dhaliilay in uu ku kaajay meel bannaan, inkastoo ay dawladdu dadka ku dhiirigalinayso in ay musqulaha adeegsadaan.

Muuqaal laga duubay Ram Shinde oo xaajo ku gudanaya meel bannaan oo Maharashtra ku taalla ayaa aad la isula wadaagay maalinta suuliga adduunka.

Dadka arrintan dhaliishan ayaa sheegay in ay tani caddayn u tahay in uu fashilmay nadaafad wax ka qabashadii uu ku soo ol’olaystay ra’iisulwasaaraha Hindiya Narendra Modi.

Laakiin wasiirka ayaa sheegay in uu xannuunsanaa ayna dantu biday in uu xaajadiisa guto, maadaama oo uusan musqul heli karin wakhtigaas.

Shinde oo ah wasiirka biyaha ayaa sheegay in uu bishii hore u safray si uu u soo qiimeeyo mashruuc waraab ah, markaasna lagu qabtay waddada u dhaxaysa Barshi iyo Solapur.

Wuxuu sheegay in uu ku xannuunsaday boorkii halkaas ka kacayay uuna qandhaday, sida uu u sheegay wakaaladda wararka ee PTI.

LEAVE A REPLY