Daawo Sawirada+Akhriso: Nuxurka Khudbadihii laga jeediyay Maalintii Labaad shirka Muqdisho ka socda

Waxaa magaalada Muqdisho maalintii Labaad ka soconaya wejigii 2-aad shirkii London ee arrimaha Soomaliya, kaasi oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda Soomaaliya,kuwa dowlada Goboleedyada iyo saaxiibada beesha Caalamka,waxaana lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo iyadoo Warmurtiyeed laga soo saari doono.

Hadaba Shirka oo haatan socda ayaa waxaa laga jeediyay khudbado kala duwan oo aad muhiim u ah, waxaan ka soo qaadan doonaa nuxurka Khudbadahaasi, waxaana khudbadii ugu horeysay jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay Hormaro badan oo dhinaca dhaqaalaha iyo amniga ah oo dowlada sanadkan ay ku talaabsatay, Federaalka, Qorshaha Doorashada 2020 iyo Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada hoostaga

“Hormaro badan ayaan ka sameynay dhinaca Amniga iyo Dhaqaalaha, waxaa naga go’an inaan hirgalino Federaalka, Doorashada 2020 waa mida ugu muhiimsan Siyaasadeena waxaana socda wadatashiyada la xiriira sida ay u dhacayso doorashada, Xiriirka dowlad goboleedyada waa hagaajinay waxaana jirta wadashaqeyn wanaaagsan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa isna jeediyay khudbad uu kaga hadlay arimo badan waxaana ka mid ahaa Miisaaniyadda Dowlada uu sheegay in lagu hormarinayo adeega Bulshada iyo in Canshuurta shacabka laga qaado oo lagu dhisayo Dugsiyo Waxbarasho

“Muda kadib Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018 ayaa lagu hormarinayaa adeega Bulshada, Canshuurta shacabka Soomaaliyeed ayaa loogu dhisayaa Iskuulo waxbarasho, Waddanka hore ayuu socdaa” ayuu yiri R/wasaare Khayre.

Sidoo kale waxaa ka hadlay shirka qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay si Kala dambeyntii iyo Sharcigii dalka loo soo celiyo in muhiim ay tahay in la dhameystiro Dastuurka

“Kala dambeyntii iyo sharcigii si loosoo celiyo waxaa loo baahan yahay in Dastuurka dalka la dhameystito, waxaa socda wada hadalo, waa in laga wada qeybgalo lana xoojiyo” ayuu yiri Cabdiweli Gaas

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay saameynta ka dhalata Fatahaadaha wabiga iyo Abaarta, isagoo sheegay in loo baahan yahay qorshe wax looga qabto.

“Caqabada na haysata waa fatahaada wabiga, sidoo kale Abaarta waa dhibaato na heysata waxaan u baahanahay inaan ka faa’iideysano wabiga oo keyd loo sameeyo, Kaliya markii ay Abaar dhacdo maaha in la gurmado,waxaan u baahanahay qorshe ku talagal ah oo wax looga qabto Abaaraha iyo ka Faa’iidaysi la’aanta Wabiga”ayuu yiri Shariif Xasan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka hadlay shirka ayaa codsaday in la taageero heshiiska ay wada galeen Galmudug iyo Ahlu sunna

“Galmudug hadii aan nahay waan dambeynaa waa in nala taageeraa, Ahlusuna ayaan la heshiinay Waxaan u bahanahay in nala caawiyo” ayuu yiri Xaaf.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hadlay meesha ay marayaan howlaha dastuurka.

“Dib u eegista dastuurka waa hab aad muhiim u ah, si hufan ayaan howsha u wadnaa waxaan tagnay xarumaha dowlad goboleedyada iyo Muqdisho oo aan ku qabanay wadatashiyo Bishii May waxaan la kulanay wasiirada dowlad goboleedyada ee dastuurka”ayuu yiri C/raxmaan Xoosh Jibriil

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid ( Juxa) oo markiisa hadalka qaatay ayaa ka hadlay hanaanka qaran ee dib u heshiisiinta iyo khilaafaad badan oo guulo laga gaaray

“Wadahalo badan ayaa qaadanay hadii ay ahaan lahaayeen shirarkii madaxda qaranka iyo dowlad goboleedyada, waxaan qabanay shir hanaanka Qaran ee dib u heshiisiinta kaasoo ay ka soo baxeen guulo la taaban karo, Khilaafaadka hada hormaro ayaa laga sameeyay si gaar ah wadahadalada Galmudug iyo Ahlusuna, waxaan kale oo aan wax ka qabanay dhismaha dowladaha hoose ee dalka” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Jamaal Xasan Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay in la bilaabay qorshe looga feejignaanayo inay soo laabtaan abaarihii iyo dhibaatooyinkii kale ee saameeyay shacabka .

“Waxaan xaqiijinay in dhibaato mar dhacdaa inaanay soo laaban Qorshaheeda, sida abaarihi dhacay sanadkii hore ilaa sanadkan bartamahiisa,waxaan sameynay qorshaha Taageerada hadii ay ahaan laheyd midka fog iyo kan dhow si looga faa’ideysto kaalmada Bani’aadannimo iyo mida Hormarinta, qorshaha hormarinta Qaranka si joogta ah ayaan uga wadatashanaa anagga iyo dowlad goboleedyada”. Ayuu yiri Mudane Jamaal

Xaliimo Yarey, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaranka ayaa sheegtay in la bilaabay diiwaan galinta Xisbiyada iyo diyaarinta habka diiwaanka Codeeyeyaasha.

“Gudiga doorashada qaranka waxaa uu Diyaariyay qorshe Howleedka, waxaa ka mid ah bilaabida diiwaan galinta Xisbiyada, waxaa diiwaan galinay 7 xisbi, waxaa kale oo aan diyaarinay habka diiwaanka codeeyaasha” ayay yiri Xaliimo Yareey.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya Deeqa Yaasiin ayaa sheegtay inay ay sameeyeen siyaasadii lagu dhisi lahaa Guddiga Xuquuqul Insaanka.

“Waxaan sameynay siyaasadii dhisida guddiga Xuquuqul Insaanka,waxaana u qoondeenay in lagu qeybiyo 50% Raga iyo 50% Haweenka waxaana ku jira dadka Naafada ah, waan sii wadeynaa sameynta Siyaasadaha Muhiimka u ah ilaalinta Xuquuqda dadweynaha”ayay yiri Wasiirka Haweenka.

Sidoo kale madasha waxaa khudbado ka jeediyay wakiilada beesha caalamka ee shirka ka qeyb galaya waxaana ka mid Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya Mikael Lindvall oo sheegay in Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay ay ku guuleysatay waxyaabo badan

“Waxyaabaha Soomaaliya ay ku guuleysatay waxaa ka mid ah ka qeybgalinta Siyaasadda ee Haweenka,shirkan waxaa uu muujinayaa hormarka Soomaaliya,Ilaalinta xuquuqda Aadanaha waa muhiim, waa in xooga la saaro qabsoomida doorashada 2020, Dowladeyda waxa ay garab istaageysaa dadka iyo dowladda Soomaaliya,waxaan goaansanay inaan dib eegno taageeradeena, si aan kor ugu qaadno Hormarka ka socda Soomaaliya.

Maxamed Cali Guyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaare Kheyre kaga mahad celiyay doorkii uu ka qaatay wada hadalada Galmudug iyo Ahlu sunna, isagoo sidoo kale ka hadlay doorashada iyo arimo kale

“Waxaan kaaga mahad celinayaa Ra’iisulwasaare ka qeyb qaadashada wadahadalkii Galmudug iyo Ahlusunna, Doorashada 2020 qabsoomideeda qof iyo cod waa muhiim”

Ujeedka guud ee shirkan ka socda magaalada Muqdisho ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigto waxyaabihii uga qabsoomey shirkaasi oo wejigiisa koowaad ka dhacay magaalada London ee xarunta Dalka Brtian bishii May ee sanadkan 2017


Shabakada hobyomedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail hobyomedia1@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

Dhageyso:-Gudoomiye Cali Gacal Oo Ka Hadlay Go’aanka Xildhibaanada Ee Heshiiskii Galmudug Iyo Ahlusuna
- Dec 11, 2017
Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay in ay jiraan xildhibaano ka tirsan Maamulka ...
Dhageyso Dowlada Somaliya oo laga dalbaday in ay sii dayso Sheekh Xasan Daahir Aweys
- Dec 11, 2017
Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa  waxa uu kaga ...
Faah faahino Madaxda Galmudug oo Muqdisho kula kulmay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug”Sawiro”
- Dec 11, 2017
Madaxda Maamulka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Gobolleedka ...
Wadamada Yurub iyo Israel oo isku khilaafay in Qudus ay noqoto Caasimadda Israel.
- Dec 11, 2017
Ra’iisal wasaaraha Israel oo ku sugan magaalada Paris ee Caasimadda Framce ayaa mar kale ...
Dhagayso Siyaasi Axmed Shire Falagle Oo Ka Hadlay Qodobo ku dhax qarsoon Hesiiska iyo Dhaqan Galka Heshiiska Galmudug Iyo Ahlusuna
- Dec 11, 2017
Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada warfaafinta galmudug haatana ka mid ah siyaasiyiinta reer ...
Dhageyso Xildhibanada Dowlada Somaliya ee ka Soo Jeeda Deganada galmudug oo dowlada Somaliya ku eedeyay musuq maasuq xoogan
- Dec 11, 2017
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in ...
Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.
- Dec 11, 2017
Madaxweynaha  Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku tilmaamay dalka Israel “Dal Argagaxiso” ahna “DIlaaga ...
Daawo Sawirada: kulan Xasasi ah o Muqdisho ay ku Wada Yeesheen Xaaf , Sheikh Shakir iyo Odayaal Maxaase la isku afgartay ?
- Dec 11, 2017
Madaxweynaha Galmudug ayaa Maanta kulan la qaatay hogaamiyaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca ...
Daawo Sawirrada :- Faah faahino Dab Khasaaro Geystay Oo Caawa Ka Kacay Degmada Cabudwaaq
- Dec 11, 2017
Faah Faahin Dheeraad ah aya ka Soo baxay Dab Xoogan oo ka kacay degmada Cabudwaaq ...
Dhageyso Dhawr Xibnood oo ka So Hartay Kooxdi Sheikh Shakir ee Galmudug ku biirtay oo Xilal looga Helay Maamulka Hirshabelle
- Dec 10, 2017
Wasiirka Bay’ada Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cabdi Kariin Nuur Xasan  ayaa waxaa uu ka hadlay ...
Meydadka dad ay Dileen Diyaaradaha Mareykanka oo la aasay (Daawo Sawirada)
- Dec 10, 2017
Diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ayaa duqeyn ee dhawaan ka geesteen Deegaan katirsan gobolka Shabeelaha ...
Dhageyso Dagaal Ka Dhacay Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka oo uu dagaal ku dhex maray Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta oo howlgal waday iyo Milateri ah
- Dec 10, 2017
Maalintii Saddexaad ayaa waxaa dagaal uu nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka uu dagaal ku dhex maray ...
SAWIRRO: QM oo Shaacisay Tiradda dadka lagu dilay Soomaaliya Sanadkaan
- Dec 10, 2017
Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa maanta Shaaciyay Warbixin sanadeed ku saabsan Waxyeeladda dadka ...
DHAGEYSO WARBIXIN: Maxaa La Gudboon Baarlamaanka Galmudug Kadib Heshiiskii Ahlusuna?
- Dec 10, 2017
Xilli dhawaan Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna ay heshiis ku gaareen Magalada Muqdisho ayaa waxa ...
Dhageyso Waxbadana ka Ogow Arimaha ku Saabsan Dakada Magaalada Hobyo ,iyo Qaabka ay wax u socdaan
- Dec 10, 2017
Dekada Hobyo waxaa Soogaaray Qalab uu kamidyahay Shactar kaas oo loogu Talagalay in Loo ...
 
Advertisements