Akhriso Xog shegaysa in degano u dhaw dhaw Caasimada KMG ee Galmudug ay ku dhax dhumalaysanayan Sarakiil sar sare oo ka Tirsan Al/shabab

Wararka Naga Soo gaaraya tuulooyin hoostaga degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in cabsi badan ay xalay iyo ilaa iyo saakay ay soo wajahday shacabka ku nool tuuulooyinkaasi,kadib markii ay halkaasi ay gaareen dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Shabaab badan ay xiligan dhaq-dhaqaaq ciidana ay ka bilaabeen tuulooyin iyo degaano hoostaga degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Waxaana jirta cabsi aad u badan oo xiligan soo foodsaartay shacabka nool degaanada uu maamulo maamulka Galmudug,kaasi oo ku aadan in dagaal uu dhexmaro ciidamada Galmudug iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa jira diyaar garow la geliyay ciidamada amaaanka ee maamulka Galmudug,kaasi oo ku aadan sidii Dagaalamayaasha Al-Shabaab looga saaari lahaa tuulooyinkaasi oo ay ku sii qul-qulayaan Ciidamo ka tirsan Shabaab.

Degaano ka tirsan gobalka Galgaduud ayaa haatan waxaa ku sugan dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab,xili ay ka soo baxsadeen duqeymaha ay fulinayaan diyaaradaha Mareykanka.

Dhawaan ayay aheyd markii Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga ee maamulka Galmudug ayaa sheegay inay haatan dejiyeen qorsho looga saarayo Shabaabkii galay degaaano hoostaga gobalka galgaduud iyo qeybo ka mid ah gobalka mudug.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa sii kordhiyay duqeymaha ay la beegsanayaan dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugan qeybo badan oo ka mid ah gobalada dalka,iyadoona ay xusid mudan tahay in shabaabkii aad ugu badan dhawaan ay ka baxsadeen gobalada shabeelooyinka,jubooyinka iyo gobalada.

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
Deg Deg Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Dilkii Almaas Elman loogu geestay Xalane
- Nov 21, 2019
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dilkii shalay gudaha ...
Akhriso Ciidanka Dowladda Somaliya oo la wareegtay Ammaanka degaano hor leh oo Hoos taga Galmudug
- Nov 16, 2019
Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya qaybta 21aad ayaa ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan ...
Maxkamadda Hague oo baaraysa xasuuqa muslimiinta Rohingya
- Nov 16, 2019
Garsoorayaasha Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogayaasha ...
XOGAkhri :Sheikh Shariif oo iska diiday Dalab culus oo ka yimid Madaxda Sare
- Nov 16, 2019
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa iska diiday dalab uu hordhigay ...
Daawo Muqaal:Colaadii Xoolo dhaqatada Galmudug iyo Puntland oo Dib u soo Laabatay , iyo odayaashii oo….
- Nov 16, 2019
HM??Xafiiska Gaalkacyo: Warar lagu kalsoon yhay oo ay Helayso Hobyomedia.com aya Sheegaya ...
 
Advertisements