Daawo Heshiiskii Galmudug iyo ahlusuna iyo Sida ay u arkaan Maamulka gobalka...

Daawo Heshiiskii Galmudug iyo ahlusuna iyo Sida ay u arkaan Maamulka gobalka Mudug ee Galmudug

0
SHARE

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Dowlad Goboledka Galmudug C/rashiid Xaashi cartan ayaa soo Dhaweyey heeshiiskii shalay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ay ku kala Saxiixdeen Galmudug iyo Ahlu sunna kaas oo lagu soo afjaryey tabashada ay Ahlu sunna ka qabtay qabka loo soo dhisay maamulka Galmudug.

gudoomiye Cartan ayaa sheegey in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan heshiiskaasi isagoona sheegey in madaxweynaha galmudug uu muujiyey dhabar aday iyo tanaasul badan taasna ay keentay in lagu guulaysto heshiiskaan.

cartan ayaa u mahad celiyey Dowladda Jabuuti oo door weyn ka qadatay isku keenida Galmudug iyo Ahlu sunna waxaan uu xuseyn in dowladda jabuuti ay mar waliba garab taagney Shacabka Soomaaliyeed.

dhanka kale Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Mudug ayaa dhankooda Soo dhaweyey waxayna sheegey inay ku mowqif yihiin maamulka Gobolka Mudug islamarkaana ay ku faraxsan yihiin heshiiska laga gaaray khilaafka muddo ka soo dhex jiray galmudug iyo Ahlusunna.

Maamulka Gobolka Mudug Ayaa noqday maamulkii ugu horeeyey ee ka jira degaanada galmudug oo soo dhaweeyey Heshiiska ay gaareen Galmudug iyo Culimada Ahlu sunna.

Halkaan ka Daawo muuqaalka Gudoomiyaha Iyo Odoyaasha Dhaqanka.

LEAVE A REPLY