Dawo Sawirada :Nin burcad Somali ah kala shaqeeyay jabsiga Akoon Banggi oo iibsaday saacad Rolex ah, kadibse maxa Dhacya?

Liam Hulston; oo u dhashay Dalka Ingiriiska ayaa Burcad Soomaali ah kala shaqeeyay in ay jabsadaan Akoon Banggi oo ay lahayd Haweeney,waxaana lacagtii ay siiyeen uu ku iibsaday dhowr saacadood oo Rolex ah.

Ninkan ayaa lacag aan ilaa hadda caddadeeda la sheegin ka bixiyay Akoonka Gabadha oo ay siiyeen Wiilal Burcad Soomaali ah,waxaana isaga ku aadday £88,500 oo lacagta Ingiriiska ah.

£52,000; oo lacagtaas ka mid ah waxaa uu ku iibiyay Saacad Rolex ah oo ka mid ah Saacadaha ugu qaalisan Caalamka .

Saacadaha Rolex-ka ah ee uu iibsaday.

Dhegeysiga dacwaddiisa oo ka dhacday Maxkamad ku taalla London ayaa lagu sheegay in daqiiqado yar gudahood uu lacagaas mariyay akoonno faraadan islamarkaana ka saaray lacagta ay burcadda Soomaalida ah u dirsadeen.

Liam Hulston,oo  25 ah kana soo jeeda degaanka  Stratford Avenue ayaa lagu helay labo dembi oo noocan ah bishii Novemver ee Sanadkii hore,waxaan aay kala ahaayeen mar uu wakiil been ah iska dhigay iyo mar uu Hanti ma guurto ah sheegtay milkiyaddeeda sheegtay .

Jeremy Evans,oo ah dacwad oogaha Maxkamadda  Grimsby Crown Court, ayaa sheegay in Ninkan uu Burcad Soomaali ah oo helay  E-mailka Gabar aan la magacaabin ay ku wareejiyeen akoonkeeda kaddibna ka soo saaray lacag farabadan oo uu saamigaas ka helay.

Liam Hulston, iyo Burcadda Soomaalida ah ayaa ku wada xiriiray Facebook,waxaana Farriin ay u soo direen u dhigneyd “hab aad lacag badan ku sameyn karto”,kaddibna sidaas ayey ku heshiiyeen lacagtaasna ku dhaceen.

Haweeneyda la dhacay ayey warbixintu xustay in ay Soomaali ahayd,waxaana ay ka war heshay akoonkeeda oo la jabsaday inta jabsigaas socdayna ma aysan ogaan.

Liam Hulston,, oo ah Ninka falkan fududeeyay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

AABooliska ayaa baahiyay sawiirada Ninkan oo madaxa ka dhaawacan kaddib markii ay jir dileen intii ay socotay qabashadiisa maaddaama akoonnada la mariyay lacagtaas uu ka mid ahaa kiisa gaarka ah.

£400 ama  £500 oo lacag ah ayaa looga qaatay intii uu lacagaas isu marinayay 150 AKoon oo kala duwan saacad gudaheed,iyada oo aysan gabadha ogaan.

Hulston ayaa tagay suuqa Dababka ee Newark jewellers ,waxaana uu halkaas ka iibsaday dhowr saacadood oo Rolex ah iyo adeeg kale oo gaaraya £5,407 , oo lacagta Ingiriiska ah.

£17,452, ka mid ah lacagtaas ayuu ku shubtay akoonkiisa gaarka ah,waxaase uu khasaaray oo akoonkiisa laga saaray £58,382., waxaana Haweeneyda la dhacay dib loogu celiyay dhamaan lacagtii lagala baxay Akoonkeeda.

Hulston, ayey Maxkamadda ku heshay in uu horay ugu lug lahaa 11 fal dambiyeed waxaana sanadkii 2011kii lagu xukumay saddex Sano oo xabsi ah,Maxkamadda ayaa hadda ku xukuntay 21 bilood oo Xabsi ah.

Isha Warkan:grimsbytelegraph.co.uk


Shabakada hobyomedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail hobyomedia1@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

Dhageyso:-Gudoomiye Cali Gacal Oo Ka Hadlay Go’aanka Xildhibaanada Ee Heshiiskii Galmudug Iyo Ahlusuna
- Dec 11, 2017
Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay in ay jiraan xildhibaano ka tirsan Maamulka ...
Dhageyso Dowlada Somaliya oo laga dalbaday in ay sii dayso Sheekh Xasan Daahir Aweys
- Dec 11, 2017
Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa  waxa uu kaga ...
Faah faahino Madaxda Galmudug oo Muqdisho kula kulmay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug”Sawiro”
- Dec 11, 2017
Madaxda Maamulka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Gobolleedka ...
Wadamada Yurub iyo Israel oo isku khilaafay in Qudus ay noqoto Caasimadda Israel.
- Dec 11, 2017
Ra’iisal wasaaraha Israel oo ku sugan magaalada Paris ee Caasimadda Framce ayaa mar kale ...
Dhagayso Siyaasi Axmed Shire Falagle Oo Ka Hadlay Qodobo ku dhax qarsoon Hesiiska iyo Dhaqan Galka Heshiiska Galmudug Iyo Ahlusuna
- Dec 11, 2017
Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada warfaafinta galmudug haatana ka mid ah siyaasiyiinta reer ...
Dhageyso Xildhibanada Dowlada Somaliya ee ka Soo Jeeda Deganada galmudug oo dowlada Somaliya ku eedeyay musuq maasuq xoogan
- Dec 11, 2017
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in ...
Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.
- Dec 11, 2017
Madaxweynaha  Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku tilmaamay dalka Israel “Dal Argagaxiso” ahna “DIlaaga ...
Daawo Sawirada: kulan Xasasi ah o Muqdisho ay ku Wada Yeesheen Xaaf , Sheikh Shakir iyo Odayaal Maxaase la isku afgartay ?
- Dec 11, 2017
Madaxweynaha Galmudug ayaa Maanta kulan la qaatay hogaamiyaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca ...
Daawo Sawirrada :- Faah faahino Dab Khasaaro Geystay Oo Caawa Ka Kacay Degmada Cabudwaaq
- Dec 11, 2017
Faah Faahin Dheeraad ah aya ka Soo baxay Dab Xoogan oo ka kacay degmada Cabudwaaq ...
Dhageyso Dhawr Xibnood oo ka So Hartay Kooxdi Sheikh Shakir ee Galmudug ku biirtay oo Xilal looga Helay Maamulka Hirshabelle
- Dec 10, 2017
Wasiirka Bay’ada Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cabdi Kariin Nuur Xasan  ayaa waxaa uu ka hadlay ...
Meydadka dad ay Dileen Diyaaradaha Mareykanka oo la aasay (Daawo Sawirada)
- Dec 10, 2017
Diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ayaa duqeyn ee dhawaan ka geesteen Deegaan katirsan gobolka Shabeelaha ...
Dhageyso Dagaal Ka Dhacay Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka oo uu dagaal ku dhex maray Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta oo howlgal waday iyo Milateri ah
- Dec 10, 2017
Maalintii Saddexaad ayaa waxaa dagaal uu nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka uu dagaal ku dhex maray ...
SAWIRRO: QM oo Shaacisay Tiradda dadka lagu dilay Soomaaliya Sanadkaan
- Dec 10, 2017
Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa maanta Shaaciyay Warbixin sanadeed ku saabsan Waxyeeladda dadka ...
DHAGEYSO WARBIXIN: Maxaa La Gudboon Baarlamaanka Galmudug Kadib Heshiiskii Ahlusuna?
- Dec 10, 2017
Xilli dhawaan Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna ay heshiis ku gaareen Magalada Muqdisho ayaa waxa ...
Dhageyso Waxbadana ka Ogow Arimaha ku Saabsan Dakada Magaalada Hobyo ,iyo Qaabka ay wax u socdaan
- Dec 10, 2017
Dekada Hobyo waxaa Soogaaray Qalab uu kamidyahay Shactar kaas oo loogu Talagalay in Loo ...
 
Advertisements