Deg Deg Ciidanka Dowlada Somaliya oo Goordhaw Weeraray Guriga Muqdisho uu ka...

Deg Deg Ciidanka Dowlada Somaliya oo Goordhaw Weeraray Guriga Muqdisho uu ka Dagan yahay Cabdi Xasan Cawale Qaybiid

0
SHARE

Ciidamada ammaanka ayaa goordhow gudaha u galay guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho Senator Cabdi Qeybdiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada aqal.

Ciidamadan ayaa xirey wadooyinka soo gala guriga Cabdi Qeybdiid oo ku yaal degmada Hodon agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in ay baaritaan ka wadaan gudaha guriga Cabdi Qeybdiid.

ilo wareedyo lagu kalsoon yahay aya hobyomedia.com u xaqiijiyay in ilaa =6 gaari oo ah kuwa   gadiidka dagaalka ay ciidanka dowladu  ku soo wareereen hoyga c/ qaybdiid

Ma jirto wax iska caabin ah oo ay sameeyeen ciidamada ilaalada ka ah guriga Senator Cabdi Qeybdiid lamana oga in uu ku sugan yahay hoygiisa senatarka.

xiliga guriga la wreerayay kuma uusan sugnayd cabdi qaybdiid sida naloo xaqijiyay balse goor dhaw ayuu ka warbixin doona  sababka keentay in dowlada ay soo weerarto gurigiisa

Hoyga Senator aqalka sare  ka tirsan iyo xildhibaanka golaha shacabka ayaan la baari karin illaa laga qaado xasaanada sida uu dhigayo dastuurka dalka.Hase yeeshee lama oga sababta keentay in la baaro guriga Cabdi Qeydbiid oo hore ugaga mid ahaa saraakiisha ciidamada qalabka sida

LEAVE A REPLY