DEG DEG : Qarax Xoogan oo Goordhaw Ka Dhacay Muqdisho iyo Dhimashada...

DEG DEG : Qarax Xoogan oo Goordhaw Ka Dhacay Muqdisho iyo Dhimashada iyo Dhaawaca oo…

0
SHARE

Waxaa goordhaw qarax xoogan uu ka dhacay inta u dhaxeysa xarunta Wasaarada Gaashaandhiga iyo Xerada Guul Wadayaasha oo kutaala Laamiga Warshadaha ee magaalada Muqdisho.
Sida aan Wararka ku helnay qaraxan ayaa ahaa miino nuuca dhulka lagu aasay, waxaana lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo katirsan AMISOM oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay, waxaa sidoo kale halkaasi ku sugnaa ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya .
Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa qaraxaasi ku dhintay tiro kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray, ciidamada Milatariga ayaana qaraxa kadib xiray qeybo kamid ah laamiga Warshadaha.
Ciidamadii waxyeelada kasoo gaartay qaraxan ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka, waxaana aaga qaraxu ka dhacay ka socda baaritaano kale oo lagu raadinayo miinooyin kale oo laga shakisan yahay .

SHARE

Facebook

LEAVE A REPLY