Dhageyso Dowlada Somaliya oo laga dalbaday in ay sii dayso Sheekh Xasan...

Dhageyso Dowlada Somaliya oo laga dalbaday in ay sii dayso Sheekh Xasan Daahir Aweys

0
SHARE

Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa  waxa uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Xaalada Siyaasadeed ee dalka, Amniga, Dhaqaalaha, Musuq maasuqa iyo Go’aankii  Mareykanka ee Trump uu Magaalada Barakeysan ee Quddus ugu aqoonsaday Caasiimadda Yuhuuda.

Mar uu ka hadlayay xaalada Siyaasadeed ee dalka ayuu sheegay  in Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada ay yihiin kuwo laga maamulo Itoobiya isla markaana ay fikirkeeda ku Shaqeeyaan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale isaga oo ka hadlayay dhanka amniga ayaa waxa uu sheegay in Wadooyinka Magaalada Muqdisho ay ku dhib qabaan Shacabka ku nool Gobolka Banaadir, sida in Wadooyinkii Xaafadaha iyo kuwa Caadiga mararka qaar laga xiro.

LEAVE A REPLY