Dhageyso Puntland o Shegtay in ay qabteen Dadkii ka Danbeyay Werarkii Bariga...

Dhageyso Puntland o Shegtay in ay qabteen Dadkii ka Danbeyay Werarkii Bariga mudug ay ka gesteen Maleshiyada Puntland iyago shegay in ay qabatrn Shaqsiyaad jabiyay Heshiiskii Gaalkacyo

0
SHARE

Ka dib markii heshiis maalmo ka hor ay kuwada gaareen Magaalada Gaalkcyo maamulada Puntland iyo Galmudug , kaasoo ku aadana in tilaabo adag laga qaadi doono cidwalba oo geysata falal lidi ku ah Ammaaanka.

Habeen Hore ayaa nin kasoo jeedda Galmudug waxaa lagu dilay Bariga Magaalada Gaalkacyo, waxaana dilkaasi geystay dabley hubeysan oo ka tirsan maamulka Puntland.

Waxgaradka iyo maamulka degmada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegay in ragga hubeysan ee dilka geystay ay ka yimaadeen dhanka Puntland,islamarkaana ay soo qabteen ayna diyaar u yihiin in Sharciga la marsiiyo.

Duqa degmada Gaalkacyo  ee dhanka puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay ayaa sheegay in uu ka xun yahay falkaasi ay geysteen Maleeshiyaadka kasoo jeedda Puntland, islamarkaana uu uga tacsiyeynaayo Shacabka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in raggaasi hadda ay gacanta ku hayaan ciidamada Puntland, ayna ku wareejin doonaan Guddiga Isku dhafka ah ee Ammaanka gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY