Dhageyso Sh.Shaakir “Mideynta Galmudug iyo Ahlu Sunna dhibaato ayay ku tahay Shabaab...

Dhageyso Sh.Shaakir “Mideynta Galmudug iyo Ahlu Sunna dhibaato ayay ku tahay Shabaab Dagaal ayan si wadajir ah ugu xoraysanayna deganada ay naga hestaan”

0
SHARE

Hoggaamiyihii hore ee Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca ahna madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab.

Waxa isaga oo la hadlayay Boqolaal Ruux oo ku nool degmada dhuusa Mareeb uu sheegay in waqtigaan loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed laga dulqaado cadawga Al-Shabb oo dhibaato ku haya dadka sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in iyagu uu qorshohoodu uu yahay in Maanta laga bilaabo la kordhiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab maadaama ay korortay awoodooda.

Sheekh Shaakir oo hadda ku sugan degmada Dhuusa Mareeb ayaa kulamo gaar gaar ah la leh waxgaradka degmadaas si ay taageero ugu muujiyaan Galmudugta Cusub.

Mudo dhowr sano ah ayuu ka dhaxeeyay khilaaf weyn oo sababay Gacan ka hadal Maamulka Galmudug iyo kan Ahlusuna Wal-Jamaaca kaas oo soo bilaawday xiligii Cabdi Kariin Xuseen Guuleed balse ugu dambeyn xal laga gaaray.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Shaakir

LEAVE A REPLY