Dhageyso Warar ku soo kordhay Dagaalkii Maanta ee Gaalkacyo iyo Sarakiil ciidan...

Dhageyso Warar ku soo kordhay Dagaalkii Maanta ee Gaalkacyo iyo Sarakiil ciidan oo ka Hadlay

0
SHARE

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa  waxaa kasoo cusboonaday xiisaddo colaadeed taas oo timid markii lagu dilay labo nin kadib rasaas ay isku fureen Maleeshiyo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Kadib Rasaas uu furay Nin kasoo jeeda Galmudug ayaa waxyeelo kasoo gaartay Nin kasoo jeeda Puntland kaas oo kadibna dhinaca kale loo gaystay Dil kale.

Goobta uu dilku ka dhacay ayaa meel aan sidaas uga fogayn waxaa ku sugnaa ciidamada Isku dhafka ee gobolka Mudug kuwaas oo kala dhexgalay Maleeshiyo Beeleedyadii dilkaasi dhexmaray degmada Gaalkacyo.

Gudiga Nabad Galyada gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa wadda dadaalo lagu xoojinayo nabad Galyada Suuqa Weyn ee magaalada Gaalkacyo ah goobta saaka uu ka dhacay dilkan.

Hoos ka dhageyso taliyaha ciidaanka xooga dalka Qaybta 21 ee gaalkacyo

LEAVE A REPLY