Dunida oo si caro leh uga jawaabtay go’aanka Trump ee Qudus

go’aanki madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda rasmiga ah ee Israa’il ayaa diidma xoooggan kala kulantay caalamka.

Hogaamiyeyaasha dunida muslimka iyo guud ahaan beesha caalamka oo dhan ayaa si weyn u dhaleeceeyay tallaabada uu qaaday Trump, waxa ayna ka digeen halista rabshado ka dhasha arrintaan iyo in ay horseedo dhiig daato.

Xoghayaha guud ee hay’adda Qaramada Midoobay Antonio Guterras, ayaa sheegay in aysan jirin wax lagu beddelo xal u raadinta Israa’il iyo Falastiin, waxa uuna ku tilmaamay mowqifka Mareykanku mid laga murugoodo.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, oo booqasho ku jooga dalka Aljeria ayaa isna ku tilmaamay hadalka Trump wax laga xumaado, waxa uuna ku baaqay dadaalo nabadeed iyo in laga fogaado rabshado.

Dalka Turkiga, dibadbaxayaal ayaa isugu tagay banaanka hore ee safaarada Mareykanku ku leeyahay magaalada Istanbuul. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa waxa uu isna ku tilmaamay go’aanka Mareykanka geyru mas’uulnimo.

Madaxweyne Trump oo u aqoonsaday Qudus caasimadda rasmiga ah ee Israa’il ayaa sidoo kale saxiisay in safaarada Mareykanka laga raro Tel Aviv loona raro magaalada Qudus.

Tallaabadan uu ku dhaqaaqay Trump ayaana waxa ay ka dhigeysa Mareykanka dalkii ugu horreeyay dunida ee si rasmi ah ugu aqoonsado Qudus caasimadda Israa’il.

Arrinta Qudus ayaa xuddun u ah collaada daba-dheeraatay ee u dhexeysa Israa’iil iyo Falastiin, xilli Falastiiniyiinta ay doonayaan in Bariga magaalada Barakeysan ee Qudus ay noqoto caasimaddooda mustqabalka.

Saraakiisha Aqalka Cad waxa ay dhankooda sheegeen in go’aanka Madaxweyne Trump uu yahay “Ictiraaf waaqica haatan jira iyo taariikhdaba” balse ma ahan bayaan siyaasadeed oo rasmi ah, mana beddeli doonto xuduudaha iyo siyaasadda magaalada Qudus.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

Xog Khilaafka Madaxda Galmudug oo cirka isku shareeray Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Barlmanka oo Cadaado ku Wajahan (Warbixin)
- May 26, 2018
Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa gaaray halkii ugu sareeyey, waxaana fashilmay wadahadaladii uga socday magaalada ...
Daryanka Hubka oo laga Maqlayo Tukaraq iyadoo Wafuud ka socota Beesha Caalamka ay kusii jeedo
- May 26, 2018
Waxaa weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool halkaas ...
Madaxweynaha Galmudug Oo Ku Jira Wadatashiyadii Uu Ku Soo Magacaabi Lahaa Golihiisa Wasiirada
- May 26, 2018
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dib ugu laabtay Magalada Dhuusamareeb ee ...
(Dhagayso) Dood Kulul oo Ku saabsan Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna
- May 26, 2018
Doodaan ayaa waxa ay kusaabsantahay qilaaf Dib uga dhex abuurmay Maamulka Galmudug Gaar ahaan ...
Daawo Sawirada Madaxweyne Xaaf iyo Xildhibaano la socday oo Dib ugu Soo Laabaty Dhuusamareeb
- May 26, 2018
Madaxweynaha Galmudug Axmed ducaalle Geelle Xaaf iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada ...
Xog la yaab Leh Shirkada Facebook oo Macaamiisha isticmaasha ka Dalbatay in ay la Wadaagan Sawiradooda oo Qaawan Maxay tahay Sababtu?
- May 26, 2018
Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Facebook ayaa dadka waydiisanaysa sawirro ay qaawan yihiin, ...
Faransiiska oo Xir Xiray Basaasiin looga Shakiyay in ay la Shaqeynayeen Shiinaha
- May 26, 2018
Dawladda Faransiiska ayaa xabsiga dhigtay labo qof oo ka tirsanaan jiray laammaha sirdoonka ee ...
Madaxweyne Farmaajo ” waan awoodi weynay Joojinta dagaalka Tukeraq
- May 26, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta oo Jimco ah ka hadlay Masaajid ku ...
Wasaaradda Amniga oo War-Cad kasoo saartay Shilkii dhex maray Ciidamada NISA & Xildhibaan C/llaahi M. Nuur (Aqri)
- May 25, 2018
Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa War-cad kasoo saartay dhacdadii uu ku lug lahaa xildhibaan ...
Daawo Sawirada Qarax lagu weeraray Maqaayad ku taalla Magaalada Ontario ee dalka Canada
- May 25, 2018
Booliska dalka Canada ayaa sheegay in laba nin ay soo galeen maqaayad ku taalla ...
DAAWO MUQAALKA Lataliyihii Cali Khaliif oo Sir Badan Fashiliyey, Kana Hadlay Dagaalka Tukaraq isago yiri ,”Faysal Waraabe Shaqaale ayuu Ahaa Majeerteen Yuu Habaarin”
- May 25, 2018
Lataliyihii hore ee arrimaha bulshada iyo amniga madaxweynihii Khaatumo siyaasi Cali Cilmi Warsame (Cali ...
DAAWO-Hubkii iyo Gaadiidkii DAGAALKII TUKARAQ Laga Furtay Soomaaliland OO LA SOO BANDHIGAY
- May 25, 2018
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu hadda ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in gudiga ...
Qarax Lagu Hoobtay oo ka dhacay Bartamaha Magaalada Benghazi., ,Wararkii u Danbeyay
- May 25, 2018
Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay, 25 kalane wey dhaawacmeen kadib gaari walxaha qarxa ...
Nin ka mid aha Raga ugu Sar sareya Ajaanibta la jooga Al-shabaab oo isdilay Maxay tahay Sababtu?
- May 25, 2018
Meeydka muwaadin Kenyan ah oo u dagaalamayay Al-shabaab ayaa laga helay kaam ku yaala ...
Dhageyso:-Galmudug Iyo Hir-Shabeelle Oo Ciidamo Kala Dhex Dhigay Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Hiiraan
- May 25, 2018
Deegaanka Banyaaleey ee Gobolka hiiraan ayaa dhowr mar waxa ku wada dagaalamay laba maleeshiyo ...
>
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
 
Advertisements