Faah Faahin Qarax Xoogan oo gaalkacyo ka Dhacay iyo Sarakiil sar sare...

Faah Faahin Qarax Xoogan oo gaalkacyo ka Dhacay iyo Sarakiil sar sare oo ku geeriyoday

0
SHARE

Qaraxan ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ka dhacay dhabarka dambe ee wadada marta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland, iyadoo dhaawac culus uu soo gaaray Sarkaalkii watay gaarigaasi.

Sida ay Xaqiiyeen Wararka ka soo  Baxay maamulka gobolka Mudug ee Puntland  Waxa Qaraxa l ku dhintay Taliyihii Saldhigga Suuqa degmada Gaalkacyo Cali Ibraahim Cali  (Cali Magafe)ayaa u geeriyooday dhaawac saaka ka soo gaaray Qarax loogu xiray Gaari uu watay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

 

Qaraxa gaariga loo xiray Sarkaalkaasi ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ahaa nooca dhajiska loo yaqaan ee Baabuurta lagu xiro.

Al Shabaab ayaa Qaraxyo iyo dilal qorsheysan la eegta Saraakiisha ciidamada Booliska Puntland ee ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY