Hogaamiyaasha 57 Dal oo muslim ah oo Turkiga uga Furmayo Kulan Deg...

Hogaamiyaasha 57 Dal oo muslim ah oo Turkiga uga Furmayo Kulan Deg Deg ah oo lagu Mideynayo Go,aan ay ka qadan doonaan arinta Qudus , iyo Dowlada Malaysia oo ku Baaqday in Malatarigooda ay yihin u yihin xoreynta Qudus

0
SHARE

Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir looga hadlayo go’aanka Trump ee uu Magaalada Quddus ugu aqoonsaday caasimadda Maaulka Israel.

Shirkan waxaa ka qeybgelaya 57 Dowladood oo Muslim ah waxaana ay kaga hadlayaa go’aanka qalddan ee Trump,Madaxweynaha Turkiga ayaa 7dii Bishan waxaa uu ku dhawaaqay shir deg deg ah oo ay Istanbuul ku yeeshaan Waddamada ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC,kaas oo arrinta Quddus diiradda lagu saarayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah Madaxda ka qeybgelaysa,waxaana sidoo kale ka mid ah Madaxweynah Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir.

Dhinaca kale Midowga Yurub ayaa ku gacan seeyray Ra’isalwasaaraha Israel Natenyahu oo booqasho ku jooga Yurub waxaana uu ku boorrinayay in safaaradaha Yurub ee Tel Aviv loo raro Quddus.

Hayeeshee Waddamada Midowga Yurub aaya si cad uga biya diiday arrintaas waxaana ay ku tilmaameen mid colaadda Bariga dhexe sii dheereyneysa.

Kaliya Mareykanka ayaa Caasimadda Israel u aqoonsaday Magaalada Quddus taas oo caro badan ka dhalisay Dunida Muslimka.

Dowladda Malaysia ayaa ka mid ah Waddamada jawaabaha kulul ka bixiyay arrintaas waxaana ay sheegtay in Ciidanka dalkaas ay diyaar u yihiin in ay kaalintooda qaataan si loo difaaco magaalada Quddus.

LEAVE A REPLY