Maamulka Balan-Bale ee galgaduud oo loo dhiibay Nin Galabta ninkale ku...

Maamulka Balan-Bale ee galgaduud oo loo dhiibay Nin Galabta ninkale ku dilay Deegaankaasi. iyo odayasha deganka oo isku raacay arin muhiim ah

0
SHARE

Wararka ka imaanaya Deegaanka Balan-Bale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in nin reer miyi ah uu nin kale oo reer miyi ah ku dilay duleedka Deegaankaasi.

Jaamac Xeyle Maxamuud Gudoomiyaha Balan-Bale ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in ay Xabsi ku yaalla Deegaankaasi ay ku hayaan Ninkii dilka geystay, kadib markii Goordhaw Soo qabashadiisa ay ku guuleysteen Odoyaasha dhaqanka ee uu kasoo jeedo.

Maamulka iyo Odoyaasha ayaa isku raacay in la aaso, Ninka la dilay wixii baaritaano ahne berri ay isugu soo laabtaan Odoyaasha Dhaqanka labada dhinac waa ninka la dilay iyo kan wax dilee.

Dilalka la xiriira Aanooyinka ayaa ka dhaca Deegaanada Dhaca Miyiga Gobolka Galgaduud gaar ahaan Balan-Bale, waxaana sabab looga dhigaa dilalkaasi in ay kordhiyaan, dadka reer miyiga oo ah kuwo hubeysan.

LEAVE A REPLY