Madaxweynaha TurkigaRecep Tayyip Erdogan”: Arrinta Qudus Muslimiinta waxay ug dhigan tahay khad cas””

Madaxweynaha Turkiga ayaa ka digay in dalkiisu uu xiriirka u jari doono Israa’iil haddii Mareykanku uu u aqoonsado Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil.

Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in tallaabdaasi ay Muslimiinta dunida uga dhigan tahay in Mareykanku uu khadka cas ka tallaabay.

Dalal badan ayaa ka dalbaday Donald Trump inuusan qaadin tallaabadaasi.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxweyne Trump uu arrintaas ku dhawaaqi doono isbuucan, isaga oo fulinaya ballanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ol’olaha doorashada.

“Mr Trump! waxaad ogaataa in Qudus khad casa ay uga dhigan tahay Muslimiinta,” ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyay telefishinka.

“Waxay arrintaa horseedi kartaa inaaan calaaqaadka diblomaasiyadeed u jarno Israa’iil”, ayuu sii raaciyay Erdogan.

 

Haddii Washington ay u aqoonsato Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil, waxay noqoneysaa dalkii ugu horreeyay ee sidaa sameeyo tan iyo markii la alkumay xukumadda Israa’iil 1984.

Israa’iil ayaa haysatay bariga Qudus tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe sannadkii 1967. Waxayna goosatay 1980kii. Waxay u aragtaa in ay iyadu leedahay, laakiin shuruucda caalamiga ah waxay dhigayaan in ay tahay dhul la haysto.

Israa’iil-na waxay Qudus u aragtaa in ay waligeed ahaandoonto caasimaddooda aanan la kala qaybin karin.

Laakiin Falastiiniyiintu waxay u arkaan Bariga Qudus in ay tahay caasimadda dalka ay Mustaqbalka yagleeli doonaan.

Trump markii uu ol'olaha doorashada ku jiray ayuu ballanqaaday in uu safaaradda Maraykanka ka rari doona Tel Aviv uuna gayn doono QudusLahaanshaha sawirkaAFP
Trump markii uu ol’olaha doorashada ku jiray ayuu ballanqaaday in uu safaaradda Maraykanka ka rari doona Tel Aviv uuna gayn doono Qudus

Xukuumadihiii kala dambeeyay ee Maraykanka waxay tan iyo 1948 taagnaayeen in mustaqbalka Qudus lagu go’aamiyo wadahadal aysanna samaynin wax saamayn ku yeelan kara waxa ka soo bixi doona wadahadalladaas.

 

Dunidu maxay ka tiri arrintan?

Faranisiiska: Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u sheegay Donald Trump inuu “ka walaacsan yahay“ in hoggaamiyaha Mareykanka uu iskii ugu aqoonsado Qudus inay tahy caasimadda Israa’iil, isagoo sheegay in taasi ay ku imaan karto oo kali ah wadahadal dhexmara dhinacyada Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Midowga Yurub ayaa ka digay ‘cawaaqib daran iyo caro ka timaado ra’yul caamka qeyba badan oo ka mid ah dunida.

Jaamacadda Carabta ayaa ku tilmaantay tillaabo khatar ah oo caawaaqib darran reebo karto.

Sacuudiga ayaa sheegay in tallabaadasi ay sameeyn ku yeelan karto tubta nabadda.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa hogaamiyayaasha dunida ka dalbaday inay arrintan soo farageliyaan isagoo sheegay inay tallabdaasi ay “ burburin karto hanaanka nabadda“

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan ayaa Maraykanka uga digay cawaaqib halis ah haddii uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil.


Shabakada hobyomedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail hobyomedia1@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

Deg Deg Faah Faahino kasoo baxaya Qarax xoogan oo Caawa ka dhacay Meel ku dhaw Xarunta Nabad Sugida
- Feb 23, 2018
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax caawa abaaro salaadii Maqrib ka dhacay ...
DHAGEYSO:-Wasiir Maareeye”wadahadalka Soomaaliya iyo Somaaliland haddii ay noqdaan mid lagu qiyaanayo Somaaliland aniga D.F.S. waan ka baxayaa”
- Feb 23, 2018
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha xukumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka ...
Dhageyso Duqa Degmada Hobyo Oo Digniin Ujeeediyay Dadka Hobyo
- Feb 23, 2018
C/llaahi Axmed Cali Faad Guddoomiyha Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa tilmaamay in aysan u ...
Daawo Sawirada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga Hakan Çavuşoğlu oo Muqdisho ku Kulmay ,iyo Dowlada Turkiga oo Maalgashi ku Dhawaqday
- Feb 23, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Ra’iisul Wasaare ...
(Daawo Sawirro) Duqeyn naxariis la’aan ah oo weli ka socota Ghouta & dhimashada oo tira beeshay
- Feb 23, 2018
Waxaa laga deyrinayaa xaaladda Magaaladda Ghouta oo muddo todobaad ku dhow duqeyn aan kala ...
Daawo Muqaal ku Saabsan Horumarka Xiligan ka Socda Magaalada Hobyo
- Feb 23, 2018
Magaaalo Xebeedka Hobyo ayaa Waxa Ka Socda Horumar Kaa duwan kuwaasi oo qayb ka ...
Daawo Sawirada : Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo la Kulmay Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Siyasiyiin Kadib Geeridii nabadoon Axmed diiriye  , Afhayeenkii Beelaha Hawiye
- Feb 23, 2018
Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Galmdug ahmed Ducaale Gele Xaaf ayaa  waxa uu la Kulmay Odayaasha ...
DHAGEYSO: Taliyihii Ciidanka Asluubta soomaliyeed oo ka xog waramay sababta Xilka looga qaaday
- Feb 23, 2018
Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee xilka laga qaaday Xuseen Xasan Cusmaan ayaa waxa uu ...
Warbaahinta Calamka o wax ka qortay sidii lagu bad baadinlahaa Boqorada iyo R/W hore ee Ingiriiska cabsi laga qabo in shabab awgeed
- Feb 22, 2018
Ka dib markii dalka Ingiriiska dhawaan lagu qabtay muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku eedeeyeen ...
Madaxweynihi Hore ee Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ka Hadlay Sababta Soomaliya ay kaalinta 1aad uga gashay Wadamada ugu Musuq Maasuqa badan ee Soomaliya
- Feb 22, 2018
Madaxweynihii hore ee Galmudug, horena u soo noqday wasiir C/kariin Xuseen Guuleed ayaa su’aal ...
Daawo Sawirada Itoobiya Oo Maanta Siideysay Maxaabiis  1,500 Qof oo Ka Tirsan Jabhada ONLF
- Feb 22, 2018
Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daayay ku dhawaad  1,500 ...
Dawo Sawirada :R/wasaare kuxigeenka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho
- Feb 22, 2018
Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga, Hakan Çavuşoğlu iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa goordhaw ...
Dhageyso Madaxda ka Tirsan Dowlada Somaiya iyo Madaxweyne Xaaf oo ka Hadlay Sameyntii uu Bulshada ku dhax laha Allaha unaxariiste Nabadoon Axmed Diiriye
- Feb 22, 2018
Aaska Qaran ee Loo Sameey Allaha u naxariisteen nabadoon Axmed diiriye ayaa waxaa ka ...
Dhageyso Go,anadii Madaxweyne Farmaajo oo Qaar ka Mida Deganada Galmudug laga Hirgalinayo
- Feb 22, 2018
kulankaan looga hadlayay ammaanka dagmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka qayb galay ...
Daawo Sawirada : Allaha unaxariistee Mabadoon Axmed Diiriye Cali oo Lagu Aasay Cadaado
- Feb 22, 2018
Magaalada Cadaado ee Galmudug ayaa Waxaa Lagu Aasay  Allaha unaxariistee Mabadoon Axmed Diiriye Cali. Axmed ...
 
Advertisements